Banaanbaxyo ka dhacay Magaalada Gaalkacayo ee Maamulka Puntland oo Dadweynuhu kaga Gilgisheen Xukunkii Dilka ahaa ee Dawlada Hindiya ku Riday 50 Wiil oo Soomaali ah
Gaalkacayo 26.Sep 2016 (SDN/QJ):- Banaan Baxyo lagaga soo horjeedo Xukunka ay dawlada Hindiya ku riday 50 dhalinyaro Soomaali ah ayaa ka dhacay Magaalada Gaalkacayo ee Maamul Goboleedka Puntland.
Banaanbaxyadan waxaa lagaga Dalbanayay Dawlada Somaliya inay kala Hadasho Dhigeed Hindiya sidii loo sii dayn lahaa Dhalinyartaas..
Maxkamad ku taala Hindiya ayaa sheegtay in 50 ka mid ah dhalinyaradaasi lagu xukumay dil kadib markii ay sheegtay inay ku cadaatay Falal Burcad Badeednimo, Balse wareysi Khadka Mobilka ah oo idaacada Mustaqbal ee magaalada Muqdisho la yeelatay Qaar dhalinyaradaasi ka mid ah ayaa lagu sheegay in Safaarada Somaliya ee Hindiya ay ku qasabtay inay sheegtaan Danbigaasi si loogu Khafiifiyo.
Dawlada Somaliya oo Warsaxaafadeed soo Saartay ayaa dawlada Hindiya ka codsatay in si fiican loola dhaqmo dhalinyaradaas maadaama ayna Somaliya awood u lahayn inay Qareeno u qabato Dhalinyarta Dilka lagu xukumay.
Suuqyada iyo baraha bulshada kuwada xidhiidho ayaa aad looga hadal hayaa dhalinyarta Soomaalida ee ay dawlada Hindiya ku xukunta Dilka waxaana lagu soo bandhigayaa sida ay uga xunyihiin Cadaalada Darada Dhalinyartaasi ku haysata Waddan aanay u dhalan.