Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawlada Xasan Sheekh Mr Odawaa oo meel fagaaro ah uga hanjabay Ahlusuna DAAWO
Dhuuso-Mareeb 26.Sep 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawlada Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xuseen Odawaa oo kusugan Magaalada Cadaado ayaa hadal umuuqday mid hanjabaad ah waxa uu udiray Ahlusunada kusugan Dhuusomareeb.
Wasiirka waxa uu sheegay inay hadda kadib wajahayaan qaabkii Magaalada Dhuuso mareeb ugu rari lahaayeen Galmudug maadama Xaruntii Rasmi Ee Maamulka halkaasi tahay.
C/raxmaan Odawaa ayaa si kulul uga hadlay Xarig uu sheegay in lagu sameenayo dadka deggan Dh/mareeb kuwaasi oo Ahlusuna ay udiiday inay ka mid noqdaan Xildhibaanada kuwa usoo xulaya Gobollada Dhexe.
Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxay ugu baaqday in Ahlusuna ay kusoo biirto Galmudug oo wax wadaag ay noqon doonaan miiska wadahadalkana soo fariistaan si wax walbo loo xaliyo.
Ahlusuna oo kusugan Guriceel iyo Dhuuso mareeb awood badana ku leh Magaalooyinkaasi ayaa waxay iyagu ka hadlin weli warkaan hanjabaada umuuqday ee kasoo baxay Wasiir Odawaa.