|

Qiso Layaab Leh: Maxkamadda Degmada Hargeysa Oo Go’aan Kasoo Saartay Wiil 16-Jir Ah Oo Laba Qoys Isku Haysteen Oo Lagu Kala Saaray Dheecaanka Hiddo-Sidaha DNA (DAAWO)

Hargaysa 25.Sep 2016 (SDN/QJ):- Maxkamada Dagmada Hargeysa Ayaa Xukun Ka Soo Saartay Dhacdo Cajiib Ah Oo Mudooyinkanba Kiis Keedo Ka Socday Maxkamada Muddo Hal Sanno Ah.
maxakada-degmadaWaxaana Dacwada Kiis Kani Ahaa Wiil Yar Oo Dadiisu Tahay 16 Jir oo ay Isku haysteen Laba Qoys Oo Ka Kala Kooban Aaabo C/Rashiid Dirir Cali iyo Hooyo Jawaaahir Cabdi Diiriye iyo Garabka Qoyska Kale Oo Kala Ah Aabo Jaamac Maxamuud Cali iyo Hooyo Aasiya Macalin.
Waxaana markii ay maxkamaddu dhegaysatey kiiskan kadibna ay baadhitaan u dirtay dhiiigga hiddo sidaha ee DNA loo yaqaano oo laga qaaday afartaasi waalid iyo wiilka ay isku haysteen laguna soo baadhay dalka Kenya xukunkii maxkamaddu noqday in loo xukumo dhinaca lammaanaha C/Rashiid Dirir Cali iyo Hooyo Jawaaahir Cabdi Diiriye iyada oo qoyskii kalana u aqoonsatey danbiilayaal ka been abuurtey ilmo aanay dhalin isla markaana lagu xukumay min saddex sanno ah iyo lacag saddex malyan ah iyo waliba in ay bixiyaan kharashkii qoyska ilmaha loo xukumay oo Ceerigaabo ka yimid mudada intaasi le’egna maxkamadda kula jiray.

Comments are closed