‘’Ma Jirto Cid Somaliland Ku Khasbi karta qaabka ay Doorashooyinkeeda u qabsanayso” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe DAAWO
Hargaysa 25.Sep 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Engineer faysal Cali waraabe ayaa isagoo Magaalada hargaysa kaga qaybgalay munaasabad dhanka waxbarashada ah waxa uu sheegay in Janhuuriyada Somaliland ay Xaq u leedahay inay doorato qaabka ay u qabsanayso doorashooyinka wakiilada iyo madaxtooyada isla markaana aanay ahayn hawl u taalla beesha caalamka
Gudoomiyaha Ucid waxa uu sheegay in ay Somaliland ku dadaasho sidii ay iyadu doorashooyinka si habsami leh ugu qabsan lahayd, beesha caalamkana ay tahay inay ka gaystaan waxii gacan ah laakiin aanay soo farogelin Go’aamada ku saabsan xiliga la qabanayo iyo qaabka loo qabanayo.
Dhanka kalena Engineer faysal Cali waraabe waxa uu dhaliilay su’aalihii ku ay saxaafadda Somaliland qaarkeed kala qaadista doorashooyinka ka weydiisay madaxweynaha Dalka aynu jaarka nahay ee Somaliya Xasan Sh Maxamuud, isagoo sheegay inay tahay arin daakhili ah oo khusaysa dhinacyada siyaasadeed ee Somaliland.
Ugu dambayntiina Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID waxa uu shacbiweynaha Somaliland- u soo jeediyey inay adkaystaan midnimadooda.