Burco: Xildhibaan Kulmiye Ah Oo Maayarka Burco Ku Caddeeyey Eedihii Layaabka Lahaa Ee Uu Muuse Biixi Ku Tilmaamay Dagaal Ooge Haddii Uu Talada Yimaad Umaddu Dib U Qixi Doonto
Burco 25.Sep 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Cabdirisaaq Aar oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka Burco ayaa si ba’an u dhaliilay Maayarka Magaaladaasi Burco Mr. Muraad oo uu ku tilaamay shakhsi ka been sheegay muddo 24 saacadood ah wixii fagaarayaasha kaga khudbadeeyey isaga oo Xildhibaanku Maayarka ku tilaamay nin ku asqoobay hawlihii qaranka loo igmaday sidoo kalena xaal iyo raallo gelin arrinkaasi uga soo diray Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi.
Xildhibaan Cabdirisaaq Aar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Maayarka Burco hadalkaasi yidhi intaasi iyo in ka bandanna uu yidhi ee warbaahintu kaliya intaasi kooban heshay ee ay hadallo kale oo ka darani ku jireen Clip-kii laga daawaday hadalka Maayarka isaga oo Xildhibaan Cabdirisaaq Aar sheegay in Maayarku waxa uu caloosha ka qabo uu afku ka xaday ee aannay macno samaynayn beenintan dambe.
Xildhibaan Cabdirisaaq Aar oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Waxaan doonayaa in aan kelmado kooban ka idhaahdo hadalladii is burinayay ee ka soo baxayay Maayarka Degmada Burco ee ku saabsanaa Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Ahna Musharraxa Madaxweyne ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi. Maayar waxaad tidhi waxaan ahay nin aan guurguurin guddoomiyahaygu waa Muuse xisbigayguna waa KULMIYE. Annaguna kuma lihin waad guurguurtaa. Hase yeeshee Kamaad hadal Guurguurkaaga siyaasadeed ee waxaad ka hadashay shakhsiyadda Muuse Biixi Cabdi. Hadalkaaga haddii aan dib ugu noqdo waxaad tidhi haddii Ilaahay talada Muuse Biixi noogu dhiibo waxa ay ila tahay in mar labaad buurihii lagu noqonayo. Waxaad tilmaantay in Muuse Biixi yahay hogaamiye Dagaal waxaad tilmaantay in uu yahay nin colaadeed. Waxaad tilmaantay Muuse Biixi in uu yahay gacan ku dhiigle. Waxaad tilmaantay Muuse Biixi in uu yahay dagaal ooge. Waxaannu ku leenahay Guddoomiye Gole waa beentaa. Muuse Biixi intaa midna maaha. Muuse waa hayin waayo arag ah. In bandanna u soo joogay colaad iyo nabadba oo kala garanaya waxa ay colaadda iyo nabadduba tahay. Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka mid ahaa raggii nabadaynta dalkan geed dheer iyo mid gaabanba u soo fuulay. Ilama aha in uu maanta colaad abuurayo. Ilama aha in uu maanta dagaal abuurayo”.
“Guddoomiye hadalkaaga waxa aad digniin ugu diraysay mucaaridka oo aad lahayd sii diyaar garooba. Haddii dalka Muuse qabsado dagaalbaa ka dhacayee. Waxa aad u digaysay shacabka waxa aad u digaysay taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo aad lahayd Muuse ha dooranina haddii aad doorataan dagaalbaa dhacaya. Haddii aad doorataan dibbaad u qixi doontaan. Haddii aad doorataan buuraha ayaa la galayaa. Muuse haddii la doorto la qixi maayo. Nabadda ayuunbuu sii adkaynayaa. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa “Waxa uu uurku jecel yahay ayuu afku kaa xadaa. Maayar, waxba afka haka odhan Muuse cidi iigama dhawa. Waxa uurkaaga ku jira ee afkaagu kaa xadayo iska dheh oo ku dhawaaq. Waligeed Somaliland lguma arag masuul ama hogaamiye gole oo 24 saacadood kadib isagu isu jawaaba. Oo isagu is beeniya maannaan arag. Muuqaalka sawirkaaga waannu daawanay sidaasi oo miidhan buu ahaa. Intani intii ugu ladnayd ayay ahayd warbaahinta la soo dhigay. Muuse bixii waxaan leeyahay mudane Guddoomiye xaal iyo aboolajaays baannu kaa siinaynaa hadalkaasi ka soo baxay hogaamiyaha jaha wareersan ee ku asqoobay maamulidda shaqadii loo diray” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Xildhibaan Cabdirisaaq Aar.