“Anigu Sh. Shariif Iyo Cidna Lama Kulmin,Xilna Xamar Uma Doonan, Warkaasina Waa Mid Cidi Soo Samaysay, Waana Been Qaawan” Maxamed Biixi Yoonis
Hargaysa 25.Sep 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi ayaa beeniyay war warbaahinta qaarkeed faafisay oo sheegayay in uu xil u doontay dawladda Soomaaliya, isla markaana la filayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah murashixiinta u tartamaysa jagada Madaxweynaha Soomaaliya inuu u noqdo Ra’iisal wasaare haddii uu ku guulaysto qorshaysan inay sanadkan dhacdo.
Shabakadaha wararka iyo baraha bulshada ee Internetka ayaa lagu faafiyay war cinwaankiisu ahaa, “Xagguu ku dambeeyay Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Biixi?” isla markaana warkaa oo ay ku lamaanaayeen sawirka Maxamed Biixi iyo sawirka Sh. Shariif waxa lagu sheegay, in dhinacyo dawladda Imaaraadka carabtu ka mid tahay ay u yeedheen Maxamed Biixi, kulansiiyeenna Isaga iyo Sh. Shariif, isla markaana loo bandhigay qorshe isku sidkid ah oo ah inay isu noqdaan Madaxweyne iyo Ra’iisal Wasaaare haddii ay guulaystaan doorashada. Warkaa oo muuqaal la soo diyaariyay u muuqday lama sheegin xigashadiisa, marka laga reebo weriyaha baahinayay oo sheegay xogo ay heleen inay sidaa sheegeen mooyaane. Hadaba faafintii warkaa kadib wargeyska Ogaal wuxuu xidhiidh la sameeyay Maxamed Biixi Yoonis oo aanu khadka isgaadhsiinta ku helay xalay isagoo jooga magaaladda Nairobi, wuxuu sheegay in warkaasi yahay been abuur qaawan oo aan sal iyo raad toona lahayn.”Warkaasi waa been abuur cad, sal iyo raadna malaha. Anigu Sh. Shariifna lama kulmin, cidna lama kulmin,xilna Xamar uma doonan, umana socdo, waxaan ahay nin reer Somaliland ah oo muddo ahaa Wasiirka ugu culus dawladda Somaliland, markaa warkaasi waxaan isleeyahay waa mid cidi soo samaysay, waana been qaawan, oo cidii soo samaysayna aan waxba u tarayn” sidaa ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.
Maxamed Biixi oo mudaba ka maqnaa dalka, inta badanna fadhigiisu yahay Addis Ababa wuxuu sheegay inuu dhawaan imanayo dalka, isla markaana wuxuu muujiyay in aanuu luminaynin miisaankiisa siyaasadeed ee somaliland. Maxamed Biixi oo muddo dheer ka soo shaqeeyay Qaramada Midoobay, isla markaana ka gaadhay darajo sare, markuu soo dhamaystay hawshaa wuxuu xukuumadda Siilaanyo ka noqday wasiirlka Arrimaha Dibadda xilkaas oo uu hayay muddo, balse uu markii dambe iska casilay, xubina ka ahaa koox wasiiro ahaa oo mar keliya baarashuudka ka wada goostay aakhirkii sanadkii hore, kadib markii saluugeen qorshaha shirkii golaha dhexe ee Kulmiye ee murashaxa loogu doortay Muuse Biixi, kaasoo ay qaadaceen murashixiintii kale ee la tartamaysay, gaar ahaan Maxamed Biixi oo ahaa murashaxa ugu cuslaa ee tartanku ka dhexeeyay Muuse Biixi. Wixii markaa ka dambeeyay Maxamed Biixi iyo saaxiibaddii waxay la baxeen garabka isbahaysiga dimoqraadiyad doonka Kulmiye, ilaa haddana wuxuu garabkaasi wadahadal aan weli dhamaan kula jiraa xisbiga Waddani.
Geesta kale geesta uu Maxamed Biixi u digaroganayo, in isaga iyo saaxiibadii isu raaci doonaan Waddani haday heshiis gaadhaan, in uu dhinac kale u leexan doono, weli ma kala cadda, isla markaana haddii uu Waddani ku biiro iyo haddii uu xisbi kale oo aan Kulmiye ahayn ku biiraba wuxuu saamayn ku yeelanayaa Murashaxa Kulmiye Muuse biixi oo ay isku deegaan ka soo wada jeedaan, kaasoo la heshiiyay Cabdicasiis Samaale oo ay hore si wayn isu hayeen, balse haatan dib ugu laabtay dhiniciisa.