|

Arooskii ugu Yaabka Badnaa oo ka dhacay Turkiga

Ankara 25.Sep 2016 (SDN/QJ):- Arooskaani aadka u cajiibka badan ayaa waxa uu ka dhacay dalka Turkiga, kadib markii ay is calmadeen mucaashaqiin kawada tirsanaa beeraaleyda dalkaasi.

 

22Arooska lamaanahaani ayaa waxaa lagu galbiyay dhowr gaari nooca lagu fasho beeraha loona yaqaan Cagaf-cagaf taasi oo lagu muujinaayay in arooska uu yahay mid u dhexeeya beeraaleyda.

 

Arooska oo ahaa mid galay taariikhda ayaa waxaa ka qeybgalay ku dhawaad 50 gaari nooca beeraha lagu fasho iyadoo mid kamid ah gaadiidkaasi lagu camiray lamaanaha.

 

11-1Gaadiidka Cagafta ah ayaa waxaa arooska ku wehlinaayay ilaa Seddex gaari oo ay la socdeen dad shacab ah kuwaasi oo duubaayay arooska taariikhiga ah.

 

Arooska ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay ku dhawaad laba kun oo shacab ah kuwaasi oo badi ahaa kuwo daneynaayay maamuuska arooska.

Comments are closed