|

Gabadh 25-sano jir ah oo Gudoomiye ka noqotay magaalo kutaala dalka Nigeria

Hargaysa 25.Sep 2016 (SDN/QJ):- Hindatu Umar , oo ah gabar 25-sano jir ah ayaa markii ugu horeesay waxa ay madax ka noqotay maamulka magaalada Argungu oo ku taala gobolka woqooyi galbeed Kebbi ee dalka Nigeria.

hindo_1Gabadhan oo Muslim ah ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay oo Dumar ah isla markaana ugu da’da yar ee madax ka noqota magaalada Argungu oo katirsan Gobolka ay ku badan yihiin Muslimiinta ee Kebbi.

Hindatu Umar , ayaa horey u aheed Gudoomiye kuxigeenka magaalada, waxaana xilka hada loo magacaabay ay heshay kadib markii masuulkii iyada ka sareeyay uu waqtiga ka idlaaday sidaana iyada loogu dalac siiyay in ay Gudoomiye noqoto.

Warbaahinta dalka Nageria qaarkood ayaa layaab ku tilmaamay gabadhan da’da yar ee gudoomiye ka noqotay magaalada Argungu, waxa ayna noqotay gabadhii ugu horeesay oon guursan oo xil nuucaas oo ka ah qabata magaaladaasi.

Dadka ku dhaqan magaalada Madaxda looga dhigay Hindatu Umar , ayaa ku andacoonaya in aysan u qalmin xilka loo magacaabay maadaama ay tahay gabar dhalin yar, sidoo kale aan laheyn sida ay ku doodeen khibrad ay magaaladaasi ku hogaamiso.

 

Waqooyiga Nageria dumarka kunool ayaa inta badan ka muuqan maamulada degmooyinka, waxaana magaaladan Gabadhan Madaxa looga dhigay ay tahay magaalada ugu weyn isla markaana ugu qadiimisan woqooyiga Nigeria.

Comments are closed