|

Dagaal Beeleed Mar Kale ka Qarxay Magaalada Ceel Afweyn iyo Go’aano Hor leh oo Xukuumadu soo Saartay DAAWO

Hargaysa 24.Sep 2016 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya Deegaanka Sincaaro ee ka Tirsan Degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in 2qof ay ku dhinteen laba maleeshiyo Beelood oo Shalay duhurkii dagaal ku dhexmaray Deegaankaas.

Waxaa la sheegayaa in laba beelood oo deegaankaasi wada dega  uu dagaalku dhexmaray.

Wasiirku xigeenka Gaashaandhiga Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo ku sugan magaalada Ceel afweyn ayaa Sheegaya in Labada Beelood ay  ku dagaalameen Deegaankaasi.

Wasiir ku xigeenka waxaa kale oo uu sheegaya in Ciidamada Qaranka Somaliland ay kala dhex galeen beelaha ku dagaalamay Sincaaro oo ay ilaa imika ku kala dhex jiraan.

Laamaha amniga Somaliland ayaan ka hadal Dagaaladan kasoo cusboonaaday Deegaanka Ceel awfeyn iyadoo Maalintii arbacada go’aamo adag xukuumada kasoo saartay  Dagaalo hore uga dhacay Deegaankaas.

Comments are closed