|

Xisbiga Waddani oo Wajahaya Marxalad adag Iyo Walaaca laga Qabo inuu Waayo Mid ka Mid ah Deegaanada uu Taageerada ka haysto Iyo Kaalinta Kulmiye Ku Leeyahay arrintan DAAWO

Hargeysa, 23 September, 2016-(SDN/QJ):–Telefishanka KALSAN TV oo ka mid ah telefishanada Soomaalida xaruntiisuna guudna tahay magaalada London ayaa wariye ka tirsan xaruntiisa Somaliland waxa uu warbixin dheer ka diyaariyay xogo uu telefishanku ku sheegay kuwo gaar ah oo uu helay oo daaha ak qaadaya dagaal dhinaca siyaasadda ah oo Xisbul Xaakimka KULMIYE ku ekeeyey ama ku wajahayo shirweynaha Golaha dhexe ee xisbiga WADDANI oo la filayo in uu dalka ka qabsoomo horraanta Bisha innagu soo aaddan ee Oktoobar isaga oo xogahaasi ku sheegay kuwo ay ka mid yihiin in uu xisbiga WADDANI dhexdiisa ka bilaabo si uu u wiiqo taageerada ballaadhan ee xisbiga WADDANI ku leeyahay shacabka Gobolka Awdal.
Wariye Maxamed Yuusuf Bakayle oo warbixintan Akhrinayaa waxa uu ku bilaabay sidan: “Waxa soo if-baxaya xogo culus aad u culus oo ku wajahan qorshayaal Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE la damacsan yahay shirweynaha Xisbul Mucaaridka WADDANI oo la filayo Bisha soo socota ee Oktoobar tobankeeda in uu dalka ka qabsoomo, sida xogahaasi tibaaxayaana waxa qorshayaashaasi gabi ahaanba ka dhan yihiin xisbigaasi Mucaaridka ah ee WADDANI. Xogahaasi oo uu KALSAN TV helay oo laga helayo ilo-wareedyo rasmi ah ayaa daaha ka rogaya shirqoolo ka dhan ah shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.
Wararka KALSAN TV helayo ayaa tibaaxaya in qorshayaashaasi KULMIYE ku baadi goobayo sidii uu shirweynahaasi Golaha Dhexe ee WADDANI oo lagu soo dooran doono Musharraxiinta Xilalka Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen ee ka qayb gali doona doorashada 2017-ka looga dhex aloosi lahaa musharraxiin gacan ku rimis ah. Musharraxiinta Xogahani tibaaxayaan ee xisbul xaakimka KULMIYE dabada ka riixayo waxa ka mid ah qaar iyaga laftoodu ka tirsan isla xisbiga WADDANI balse sida xogahani tibaaxayaan heshiis daneed la galay xisbiga KULMIYE.
Musharraxiinta Golahaasi ee Xisbiga WADDANI ka dhex toosi doona ayaa danta ugu weyn ee xisbiga KULMIYE la leeyahay waxa ay tahay sidii uu xisbiga WADDANI u waayi lahaa taageerada ballaadhan ee uu ku leeyahay Gobolka Awdal. Shakhsiyaad sida weyn xisbiga ay ka mid yihiin dhabar jabinta ugu danaynaya xisbiga KULMIYE waxa ka mid ah Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga WADDANI Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan iyo waliba xubno kale oo iyaga xaalkoodu wali yahay dhuumasho dhabarku muuqdo. Xogahan ayaa dhawaan u soo shaac baxay si weyn kadib markii musharrax aan baabkaba ku jirin horena aan uga mid ahayn siyaasiyiinta reer Awdal eek u hirdamaya jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga WADDANI uu si iskii ah isugu cimaamaday Musharraxnimadaasi.
Soo if baxaya xogahan muujinaya dagaalka KULMIYE ee ka dhanka ah taageerada xisbiga WADDANI ka haysto Gobolka Awdal ayaa ah mid marba marka ka dambaysa isa soo taraya”.

Comments are closed