|

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Muqdisho Lagu soo Dhaweeyay Iyo Dawlada oo Diiday in Isu soo bax lagu soo Dhaweeyo DAAWO

Muqdisho, 23 September, 2016-(SDN/QJ):– Madaxweynihii Hore ee Dalka Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Si Diiran loogu Soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho iyadoo la filayo in uu ku dhawaqao in uu mar kale u tartamayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
soo-dhawayntii-sheekh-shariif-ee-muqdishoQaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa si weyn uga socotay magaalada Muqdisho, waxaana jira caqabado soo wajahay in Sheekh Shariif si heer sare ah loogu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho.
Xubno katirsan Kooxda Aala Sheekh ayaa sheegay Dowlada Soomaaliya ay diiday warqada ogolaanshiyaha in shacabka magaalada Muqdisho ay si weyn usoo dhaweeyaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxaana taa badalkeeda la ogolaaday in tiro yar kaliya ay soo dhaweeyaan Sheekh Shariif.
Warqada looga dalbanayo ogolaansho in si balaaran Sheekh Shariif loogu soo dhaweeyo Magaalada Muqdisho ayaa loo geeyay Wasaarada Amniga, waxa ayna Wasaarada ku wargalisay dadkii warqadasai u geeyay in ay u tagaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kana soo codsadaan fasaxa, taas  oo u muuqatay xujo adag.

Mudooyinkii u danbeeyay Muqdisho waxaa soo gaadhayay murashaxiinta i tartami doona xilka madaxweynino ee dalka Soomaaliya oo dhawaanahanba ololihiisa iyo qabanqaabada isku diyaarinta doorashadaasi ka soctay magaalada muqdisho.

Comments are closed