Xildhibaan Cabdiraxmaan Y.Cartan oo Golaha Wakiillada Somaliland ka tirsan oo Kalmad Cay ah Saxaafadda Mariyey DAAWO
Hargaysa 19.Sep 2016 (SDN/QJ):-Xildhibaan Cabdiraxmaan Yusuuf Cartan oo isaguna ka mid ah Mudanayaasha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ugu jira Golaha, ayaa farriin wax-sheegmo, eedayn, ismuujin iyo aflagaaddo isugu jirta u diray Qaadhaan-bixiyeyaasha Beesha caalamka ee Somaliland ka taageera arrimaha dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka ee ka soo horjeestay go’aanka kala qaadista doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.
“Waxa qudha ee aan beesha caalamka ku qabnay waxa weeye fariiddo, waad fiican tihiin, immisuun baan fariiddo ahaanaynaa? Naguma filna fariiddo annaga, ictiraaf baannu u baahannahay, Afkaartayada in la ixtiraamo ayaannu u baahannahay, Madaxda aannu soo doorannay oo Madaxweynuhu u horreeyo afkaartooda in la ixtiraamo ayaannu u baahannahay, markaa naguma filno waad fiican tihiin iyo waan idin caayeynaa, sidii ay iyagu inna xukumaan (beesha caalamku) ayey leeyihiin Madaxweynuhu haka noqdo go’aankaas, waxaasi waa edeb-darro.” sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cartan.
Hase-yeeshee, Mudane Cartan waxa uu aflagaaddeeyey dowladda Ingiriiiska oo uu Kalmad cay ah Saxaafadda u mariyey mar ay Maanta isaga iyo Mudanayaal kale Warbaahinta kula hadlayeen Xarunta Golaha Wakiillada ee magaalada Hargeysa.
Haddaba, Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan hadalka uu arrimahaa Beesha Caalamka kaga hadlay oo uu kalmadda Cayda ahna gunaanad uga dhigay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa isagoo dhammaystiran Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-