Haweenay U Dhalatay Dalka Britain Oo Hagaamiye Ka Noqotay Ururka Daacish
London 19.Sep 2016 (SDN/QJ):-Haweenay u dhalatay dalka Britain oo la yidhaa Saali Jons oo muddo laba sano ah aad loo raadinayey si loola tagiisado caddaaladda iyadoo lagu eedeeyay inay ku lug leedahay hawlgallada argagixisada ah ee ay ku kacaan ururka Daacish, ayaa la sheegay inay ka baxsatay dalkeedii Britain gaar ahaan Magaalada Kent ee koonfur bari dalkaasi, islamarkaana ay gashay dalka Suuriya si ay ugu biirto Daacish, waxaanay is guursadeen nin isna ka tirsan ururkaasi oo isagu haatan geeriyooday oo magaciisa la odhan jiray Junayd Xuseen oo isaguna ka soo jeeday isla dalkaasi Britain gaar ahaan magaalada Bringham sida lagu soo bandhigay warbixin aan ka soo xiganay saxaafada Telegraph ee ka soo baxda dalkaasi Britain.
Waxa kale oo ay warbixintani sheegtay in haweenaydani go’aansatay tagitaanka Suuriya markii uu xidhiidh baraha bulshada ee internet-ka ahi uu ku dhex maray iyada iyo Junayd iyaga oo ku sugan dalka Britain, markaasi oo ay isla garteen inay haboon tahay inay is-raacaan oo ay ka soo wada dagaalamaan Suuriya, isagoo ugu baaqay inay qaadato Diinta islaamka.
Intaasi kadibna waxay la qaadatay inay tagaan, balse Saali oo ah hooyo dhashay laba Wiil ayaa wiilkeedii curdeed uu diiday inuu raaco, waxase aqbalay wiilkii yaraa oo 11jir ah.
Sidaasi awgeed ayaa Junayd uu isagu gaadhay dalka Suuriya sanadkii 2013kii, isaga oo ka galay xudduuda uu dalkaasi la waddaago Turkiga, taasoo ay Saali-na muddo lix bilood ah ka dib ay martay isla bartii uu maray Junayd, maadaama oo uu si toos ah uu u hagayey Junayd.
Haddaba, markii ay Saali caga dhigatay gudaha dalka Suuriya waxay is guursadeen islamarkiiba Junayd, waxaana ka soo qayb galay arooskoodii dad aad u tiro yar, waxaanu ku qabsoomay magaalada Idlib ee dalkaasi Suuriya.
Muddo kadib waxa geeriyooday Junayd isaga oo ku dhintay dagaalka uu ururka Daacish ka wado Suuriya, waxaanay warbixintu sheegtay inay Saali noqotay hogaamiye dhinaca haweenka ah islamarkaana ay fuliso hawlgalo fara badan, waxaanay ilmaheedii yaraa ku dartay tababbaro uu u sameeyo ururka Daacish ubadka ku dhaqan goobaha uu ururkaasi gacanta ku hayo.