|

War Deg Deg ah Siyaasi Cismaan C.laahi Cigaal “Cismaan Hindi” oo Dalka Uk Ku Geeriyooday

London 18.Sep 2016 (SDN/QJ):-  War Hada Soo Gaadhay Xafiiska Warqabadka Shabakada Qurbejoog ayaa Sheegaya inuu Maanta Magaalada London ee Cariga Ingiriiska ku Geeriyooday Siyaasi Cismaan C.laahi Cigaal “Cismaan Hindi” oo Saaxada Siyaasadda Somaliland ku soo dhex jiray Dhawr iyo Tobankii Sanno ee u danbeeyay.

cismaan-hindiAlle ha u naxariistee Marxuun Cismaan C.laahi Cigaal “Cismaan Hindi” oo Mudooyinkii u danbeeyay ku dhex jiray arimo dhinaca Ganacsiga ah ayaa Salaanka Siyaasada Somaliland ka soo Fuulay Xisbiga Kulmiye Xiligii uu Mucaaridka ahaa Waxaanu ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Maroodijeex hasa yeeshee Waxay isku dhaceen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Xiligaas haatana ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Waxayna Taasi Keentay in Gudida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye ay Gebi ahaanba ka qaadeen Xilkii iyo Xubin-nimadii Xisbiga Kulmiye Mudo Kooban Kadib Wuxuu ku Biiray Xisbigii Talada Somaliland Hayay ee uu Hogaaminayay Madaxweynihii Hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Waxaanu u Magacaabay Afhayeenka Xisbigii Udub Xilkaas oo uu hayay ilaa Burburkii Xisbigaas.

Alle ha u Naxariisto Marxuun Cismaan Hindi Qoyskii,Qaraabadii Iyo Ehelkii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ha ka siiyo.

Comments are closed