|

Dhaq dhaqaaqa Xaami ah oo Ku Saabsan Soo Xulida Xubnaha Punt Land uga Mid Noqonaya Labada Aqal Baarlamaan ee Somalia oo Si Dardar leh uga Socda Deegaamada Puntland

Garowe 18.Sep 2016 (SDN/QJ):- Deegaannada Puntland ayaa waxaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo xooggan oo ay wadaan odayaasha beelaha Puntland oo ay kusoo xulayaan xubnaha kamid noqonaya labada aqal ee Soomaaliya iyo waliba xubnaha ergooyinka ee sii kala dooranaya xubnaha.

 

Caasimadda Puntland ee Garoowe waxaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq xooggan, waxaa laga dareemayaa caasimadda in dadku kusoo bateen waloow aysan wali imaan dadkii wax dooran lahaa .

 

Odayaal badan ayaa lagu arkayaa waddooyinka magaalada iyo goobaha lagu shaaheeyo, waxaana socda shirar gooni gooni ah oo beeluhu kusii bartilmaameedsanayaan cidii uga qayb gali lahayd labada aqal.

 

Degmooyinka Gardafuu sidoo kale beeluhu waxay bilaabeen inay kulmaan. Maanta waxaa degmada Caluula ka dhacay kulan dhex maraya isimada iyo waxgaradka deegaanka waxaana furay guddoomiyaha Caluula.

 

Dhaq dhaqaaqu wuxuu kaloo ka socdaa deegaannada Puntland oo dhan, waxaana ay tani ka dhigaysaa in hawlaha doorashooyinku ay si habsami leh u socdaan.

 

Puntland waxaa doorashada arimeheeda majaraha u haya guddi ka kooban 11 xubnood oo soo xulaya ergooyinka isla markaana xallinaya caqabadaha.

Comments are closed