|

Kooxo Dablay ah oo Bariga Burco ka soo Jeeda oo Deegaan Ka Tirsan Gobolka Togdheer Ku Khaarajiyey Marxuun Dhalasho ahaan ka soo Jeeda Gobolka Hawd Iyo Xiisad hor leh oo Deegaankaas ka Taagan

Burco 18.Sep 2016 (SDN/QJ):- Alle ha u naxariiste Axmed Hurre ayaa dablay hubaysani ku dileen deegaanka Godor oo dhinaca bari kaga beegan Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

 

Sidaa Warbaahinta u xaqiijiyeen dad ka ag-dhawaa deegaankaasi dilkaasi ka dhacay ayaa Sheegay in Marxuumkani uu ahaa nin reer miyiya Isla markaana ay si badheedha ah u dileen dablaydan hubaysan oo watay gaadhi Surf ah.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Ciidanka booliska Gobolka Togdheer oo la xidhiidha dilka cidda geysatay, Hasa-yeeshe warku waxa uu intaasi ku darayaa in dableydan dilka geysatay ay isku jifo yihiin Maayirka Magaalada Burco Maxame Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad).

Warku waxa uu intaasi ku darayaa inay Ciidamada Booliska Gobolka Togdheer ay ku daba-jiraan dableyda hubeysan ee dilka foosha xun geysatay.

Dhinaca Kale Labada Beelood ee Dilkan loo Kala Tirinayo ayaa Waxaa Hore u soo dhex martay Colaad ka kacday Deegaan ay Sheegashadiisa ku Muransan Yihiin Labada dhinac Kaas oo ah Deegaanka Balli Diiriye Waxayna Sannadkii Tegay Horaantiisii Labadan Beelood iska dileen dhawr Marxuun,Gudi uu Madaxweyne Siilaanyo u Xilsaaray Soo afjarida Deegaanka la isku haysto ee Balli Diiriye Ayaan ilaa hada ka soo saarin Go’aano ay labada dhinac ku qancaan.

Ilo Wareedyo ku Sugan Deegaanka Ninkan lagu dilay ayaa Sheegaya in Xaalad Kacsanaan ahi ka Jirto Jiida labada Beelood ku Kulmaan.

Comments are closed