|

“Si Kasta Oo Somaliland U Dedaasho Marnaba Dhici Mayso IGAD Madaxdeedu Inay Ku Shiraan Maamul Goboleedkaa..” Xasan Sheekh

Muqdisho 18.Sep 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay hadal ka soo yeedhay Xukuumadda Somaliland oo ku saabsanaa in ay martigelin doonaan Urur-goboleedka IGAD iyo Midawga Afrika si ay Guddi xaqiiqo-raadin ah ugu soo diraan Somaliland, ka dib markii ay Madaxda IGAD Salaasadii inna dhaaftay Shir ku yeesheen magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

xasan sheekhHase-yeeshee, waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku dooday in Urur-goboleedka IGAD oo ay xubin ka tahay Soomaaliya aqoonsan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana mid ka mid ah Maamul-goboleedyada Soomaaliya aanay ku shiri karin iyada oo aanay dowladda Soomaaliya suuragal ka dhigin.

“Si kasta oo Somaliland u dedaasho IGAD in Madaxweynayaasheedu soo baxaan oo ay ku shiraan Maamul-goboleedkaa marnaba dhici mayso, waxaan la gaadhi karin weeye oo waxay suurtagal ku tahay Soomaaliya oo lagu yimaaddo magaca Soomaaliya ayay suurtagal ku tahay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabayey marti-gelinta Madaxweynaha Somaliland War-Murtiyeed uu soo saaray Habeenkii Arbacadu soo galaysay oo uu kaga hadlay War-murtiyeedka laga soo saaray Shirka Madaxda IGAD Salaasadii ku yeesheen Muqdisho oo qodobkiisa koowaad lagu sheegay inay IGAD tixgelinayso Midnimada Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Shirkii Xamar lagu qabtay IGAD waxay ka hadlaysay sidee Soomaaliya looga saacidi karaa ka soo kabashadda Dhaqaalaha oo dalkani dib ugu dhismi karaa, IGAD maxaa door ah ama garab ah oo ay ka gaysan kartaa? Way ku mahadsan yihiin oo mawqif cad bay qaateen in Soomaaliya la garab istaaggo si dib u soo kabasho dhaqaale ay u gaadho.”

Haddaba, Qodobbada War-Murtiyeedka Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo), kaga hadlay Shirka IGAD ee Muqdisho Warka laga soo saaray qodobka saamaynayey gooni-isu-taagga Somaliland iyo ka ballan-qaadka martigelinta IGAD iyo Afrika ee Somaliland, waxay u dhignaayeen sidan:-

“Waxaannu cambaaraynayna War-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Madaxda IGAD ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Qodobka ka hadlaya Midnimada Soomaaliya. Waxaannu u aragnaa mid la majara-habaabiyay, oo aan ka turjumayn xaqiiqada dhabta ah ee xaaladda Soomaaliya iyo Somaliland ka jirta. Waxaannu dunida u caddaynaynaa in Somaliland tahay dal madax-bannaan oo aan ka mid ahayn Maamul-goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka Dawladda Soomaaliya, ee looga taliyo magaalada Muqdisho.

Madaxda Urur-goboleedka IGAD iyo dalalka Midowga Afrika intooda kaleba, waxaan ka codsanayaa in ay qaddiyadda Somaliland miiska keenaan, isla markaana ajandayaasha shirarka dambe ku daraan. Waxaan ku martiqaadayaa Dalalka Midowga Afrika in ay u soo diraan Somaliland Guddi Xaqiiqo Raadis ah oo ka gungaadha raabitaanka Shacbiga Somaliland iyo sharciyadda ay ku dhisantahay Dal ahaan, siday u waafaqsantahay Axdi-Qarameedka Xuduudaha Qaaradda Africa.” Qodobbadaas ayaa ka mid ahaa War-Murtiyeedka Madaxweynaha Somaliland kaga hadlay Shirka IGAD ee Muqdisho, War-murtiyeedkaas oo dheeraa, isla markaana isugu jiray Garnaqsi, Cambaarayn, Soo-dhawayn iyo Ballan-qaad.

Comments are closed