Maxaa Kala Qabsaday Wasiir Caddaani iyo Odayaasha Reer Ceel Afweyn? Waxbaan.. iyo Waxba..!
Ceerigaabo 18.Sep 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa sheegay inay nabad ka dhex-islaaxiyeen laba Beelood oo shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac sababtay horraantii bishan ku dhex-martay deegaannada Dogoble iyo Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.
Hase-yeeshee, qaar ka tirsan Odayaasha mid ka mid ah labada Beelood ee Wasiirku sheegay inay nabad ka dhex-gunteen oo ay Nabadgelyada u faydan yihiin, ayaa iyaguna Shir jaraa’id oo ay qabteen waxay ku sheegeen inaanay aragba Wasiirrada Ceel-afweyn u yimi xallinta shaqaaqada, isla markaana ay TV-yada uun ka daawadeen iyaga oo sheegaya inay nabad dhaliyeen, balse waxay ku doodeen inaanay waxba ka jirin hadalkaas.
“Waxa aannu shantayadaasi u joognaa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland-na noo soo igmaday waa mid qudha. Annagoo Illaahay la kaashanayna inaan nin dambe oo Hargeysa ka yimaadda ama Rag dambe oo Ceerigaabo ka gurmadaa aanay arrintaas dib u gelin. Dhulkaas Nugaal ama Faro loo yaqaanno ee aynu garanayno ee laba wax caanka ku ah, anigu dadka Nugaal ku dhashay baan ahay, Reer Saxardiiday Wallaalladay Geeloodii iyo Adhigoodii-ba halkaasay ku dhaqan yihiin, Ninna igama badiyo inkasta oo aan in badan Maraykan ku maqnaa. Markaa, waxaa noo qabsoomay illaa shalayto nabaddii ayay isla qaateen labada Reer oo ay yidhaahdeen waannu u faydannahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland Caddaani oo Ceerigaabo ka hadlayey.
Balse Odayaasha mid ka mid ah Beelaha Shaqaaqadu ka dhex-dhacday ee wada dega Ceel-afweyn, ayaa sheegay inaanu waxba ka jirin hadalka Wasiirka, waxaanu mid ka mid ah oo u hadlay yidhi; “Waxaan maqmaqlaynay Wasiirro ka hadlayey TV-ga oo ay ka mid yihiin Caddaani iyo Cadami oo ay leeyihiin waxaannu heshiisiinnay Beelo. Waxaannu sheegaynaa Wasiirradaa lahaa cid baannu heshiisiinnay oo arrimaannu soo dhammaynay inay iyagu lafohooda amni ahaan ugu soo tukadeen Ceerigaabo (Salaaddii Ciidal-adxada) Ceel-afweyn markii Amni ahaan ay ugu tukan kari waayeen.”
“Annaga waxa nala yidhi dowladdu waxay soo dirtay Wasiirro, sidaannu u sugaynay, waxaannu TV-yada ka aragnay iyagoo leh waxbaannu wax baannu dhammaynay oo Beelo ayaannu gacanta isu saarnay. Markaa, waxaannu u sheegaynaa Jamhuuriyadda Somaliland, Beelaha iyo Dadka nabadda jecel in wax laga qabto, inaanay Nimankaasi wax alla waxay ka qabteen jirin, hadalkaas ay sheegeenna uu ahaa hadal Been ah.” Sidaa ayuu yidhi mid kale oo Odayaasha ka tirsan oo isaguna halkaas ka hadlay.
Wasiir Caddaani, ayaa ka mid ah Wasiirro Shan ah oo Madaxweynaha Somaliland u xil-saaray xallinta Shaqaaqada iyo heshiisiinta labada Beelood ee ku diriray deegaannada ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, kuwaasoo muddo toddobaad ka badan ku sugnaa gobolka Sanaag, welina aan shaacin wax go’aan ah oo ka soo baxay hawsha Madaxweynuhu u igmaday.