Weftigii Wasiir Caddaani oo Kormeer ku Tegay Ceelkii ay ka dhacday Xiisad Khasaare Nafeed sababtay oo ka dhacday Deegaano ka Tirsan Degmada Ceel afweyn ee Gobolka Sanaag DAAWO
Ceel Afweyn 17.Sep 2016 (SDN/QJ):- Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga oo ay Xubno ka Yihiin Wasiiradda Warfaafinta,Duulista iyo Hawada,Dib u dejinta,Wasiirul Dawlaha Xannaanada Xoolaha oo Kormeer ku Jooga deegaano ka Tirsan Gobolka Sanaag oo Shaqaaqo Sababtay Dhimasho iyo Dhaawac ku soo Kala gaadhay laba ardaa oo Deegaankaasi wada dega ayaa Soo Kormeeray Ceelkii ay Fidnadaasi ka dhacday kaas oo ay Xiligan Gacanta ku hayaan Ciidamada qaranka.