|

Madaxweyne Siilaanyo Go’aan Fulaynimo Iyo Mid Geesinimo Keebuu ka qaatay Qaddiyada Saami Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiiladda,Iyo Jaangoynta Gobolada ee Codadkii Doorashooyinka

London 17.Sep 2016 (SDN/QJ):- Madaxwayne  Axmed  Maxamed Maxamoud Siilaanyo ayaa aragtiyo kala duwan laga aaminsan yahay inuu Go’aan Geesinimo iyo Mid fulaynimo ka uu yahay ka qaatay markii uu ka maagay inuu go’aan ka qaato  saami-qaybsiga Golaha Wakiiladda.  Xukuumadda Kulmiye oo xukunka haysay muddo dhan lix sano & saddex bilood ,ayaa ku fashilantay inay ku dhiirato qabashada doorashada Golaha Wakiiladda.  Caqabadaha ugu waawayn ee keenay fashilka saami-qaybsiga wax ka mida ah damaca Gobolka   Maroodijeex & awdal  oo doonaya in   kuraasta baarlamaanka  ( seats )  lagu sargooyo  tirada dadkii  u codeeyay doorashadii Golaha Wakiilada ee Sept,2005 .

Waxay tusale u soo qaadanayaan in xildhibaanka Hargeisa kusoo  baxay  12,650  cod,  Saaxil 5,100cod,  Sool  1,750 cod sida ku cad shaxda hoose ee doorashii Golaha  Wakiilada  Sept,2005.

 

 

  Awdal Harg Saaxil Sanaag Sool Togdheer Total
No of voters 133,000 253,000 53,000 89,000 21,000 122,000 671,000
No of Seats 13 20 10 12 12 15 82
Average

 

10,230 12,650 5,300 7,400 1,750 8,100 8,170

Waxay  ku doodayaan in la qaato habka lagaga dhaqmo Wadamada Reer Galbeedka oo ka salaysan tirada guud ee dadka ku nool Goboladda “ National census “.Haddii lagu saleeyo tiradda dadkii codeeyay  Sept, 2005, oo ahayd671,000  loona qaybiyo   National Average  oo dhan 8,180 , labada Gobol ee Galbeedku ( Awdal & Hargeisa ), waxay qaadanayaan 47 seats oo u dhiganta 58%  Xildhibaanada Golaha Wakiiladda, halka Gobolka Sool helaayo 3 Kursi, sida ku cad shaxda hoose:

  Awdal Harg Saaxil Sanaag Sool Togdheer Total
No of voters 133,000 253,000 53,000 89,000 21,000 122,000 671,000
Average 8,180 8,180 8,180 8,180 8,180 8,180  
No of seats

 

16 31 6 11 3 15 82

GEBA-GEBO :

1). Distoorku qaranku wuxuu qeexaya in kuraasta baarlamaanka lagu saleeyo tirada guud ee dadka ( National population ) oo ay ku jiraan dadka da’adou ka yartay 18 sano, ee maaha “ Registered Voters”  , oo ah sida qaldan ee ay u fahmeen Reer Galbeedku.Weli si dhab ah looma tirin tirada dadka ku nool Gobolada Somaliland “ National census”, mana hawl yara si higsigaas lagu gaadha. Waxay qaadan doonta ugu yaraan 20 more years.

2).Madaxwayne  Siilaanyo  wuxuu muujiyay fulaynimo siyaasadeed,  oo aan looga baran, Laakinse  waa geesi marka uu xoolaha ummada xaraashaayo.

 

Drs Hoodo Yusuf, London , Uk.

yhoodo@yahoo.com.

Comments are closed