Haweenayda Hibo Samo-Wada,Kaalinta Mutadawacnimo ee ay Dadkeeda u Hayso Iyadoon Wax Mushahar ah ku qaadan
Hargaysa 17.Sep 2016 (SDN/QJ):- Hibo Aadan Diiriye (Samo-wada)Waa Mid ka Mid ah Haweenka Somaliland ee Wax ka qabtay Dhinaca Samo Falka Iyo Xuquuqul Iinsaanka Somaliland.
Hibo Aadan Diiriye (Samo-wada) Waxay Markii Kowaad si Xeel dheer uga Warbixisay Sooyaalkeedii Nololeed iyo Kii Taariikheed iyo Waxqabadkii ay Bulshadeeda u fidisay,Waxayna Qodobadan iyo Kuwo Kale oo ku dhereran Taariikhdeeda Nololeed ku faahfaahisay Waraysi Dhinacyo badan leh oo ay Siisay Barnaamijka Ku Dayo Muwaadinka dantaadda Guud Wax weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii tegay Kaas oo uu soo agaasimay Aqoonyahan Rashiid Sulub Caalim.
Ugu Horayn Hibo Aadan Diiriye (Samo-wada) Waxaa la Weydiiyey Goortii ay dhalatay iyo Halkii ay ku soo barbaartay Waxayna tidhi ‘Waxaan Ku Dhashay dalka Jabuuti,Laakiin lama tirin Karo Halkii aan Ku Soo barbaaray’.
Hibo Aadan Waxaa kale oo La weydiiyey Shaqooyinkii u horeeyay ee ay qabatay iyo Halkii ay ka bilowday waxayna tidhi ‘’ 13 Jir Ayaan Shaqo ku Bilaabay waxaanan ka bilaabay Deegaanka Kala Baydh Shaqadaasi Waxay ahayd Waxaanu aragnay Caruur Rag waaweyn Xiligaas ahaa oo Iskuulka lagaga eryay Kadib Markii Lagu qabtay Iyagoo Sigaar Cabaya Waxaanu ahayn aniga Ibraahin Cabdisalaan Sheekh Barkhad oo Markii danbe noqday Saygaygii Ilaahay ha u naxariistee Waxaanu Furnay Iskuul Dadka waaweyn Wax lagu baro halkaas Ayaan ku Uruurinay dad ka badan ilaa 200 oo Qof Ilaa Maanta ilaa Maalintaas Waxaan doonayaa in aanan arag wax Jahli ah’’
Samo-Wada oo la Weydiiyey inay ka Sharaxaad ka Bixiso Waxyaabihii ay ka soo qabatay Arrimaha Samo falka iyo u Gargaarista dadka Jilicsan iyo dhanka Xuquuqul Iinsaanka ayaa waxay tidhi ‘’Waxaan dadka agoonta ah iyo Kuwa danyarta ah Ka Saacidaa Kiisaska ka gala Maxkamadaha ee aan Looyaro qabsan Karin,Waan baraarujiyaa hadii ay Xaq Ku socdaan Sidoo kale Waxaan Necebahay Furniinka,Dadka aan u adeego Waxaan inta badan isku dayaa inaan u Caqli Celiyo si Caruurtii u dayacmin Ilaa laga Maarmi waayo Mooyee Furniinka waan ka Joojiyaa Ujeedadayduna Waa Badbaadinta Qoyska,Waxaan Ku Faraxsanahay in Halka ugu Saraysa Garsoorka iyo Maxkamadaha iyo Halka ugu Hoosaysaba in laga Ixtiraamo’’
Hibo Aadan Waxaa Kale oo ay Daryeel hooyo-nimo u fidisaa Caruurta derbiyada lagu Tuuro Iyadoo Korisa Isla markaana wax barta si ay Mustaqbalka noloshooda u anfacaan iyadoo arrimahaas ka hadlaysa waxay tidhi ‘’ Waxaan ka diiqadoon Jiray Caruurta Derbiyada Jiifta ee darxumaysan ee Xabagta caba waxaan ku soo uruuriyey Beerta Ilma Maygaag Samatar Madarasad Ayaan ka furay,Daloodho Iskuul Ayaan ka furay,Qoob dameeraad,Iyo Sheekh Nuur Iyana Iskuulo Ayaan ka furay Waxaan iminka sii marayaa Xeradii la odhan Jiray 26aad oo Laba Dugsi aan ku leeyahay,Waxayna Caruurtani iiga Yimaadeen Agoonta,Danyarta iyo dadka Jilicsan Markaan baro Qur’aanka,Xisaabta Iyo Wixii la mid ah,Kuwaas Wax Ayaan baraa Wax lacag ahna kama qaato,Dad badan oo aan Saaxiib la ahay ayaa I Caawiya oo Wax I Tara Waxaan Eebbe mahadii ah in Caruurta aan Wax baray ay Noqdeen Kuwo Wax tar balaadhan ummadooda ku dhex yeeshay iyaga laftigooduna aniga way I garab galaan’’
Hibo Aadan Diiriye (Samo-wada) Waxaa kale oo ay Dul istaagtay Su’aal Ku Saabsanayd Sida ay u Koriso una barbaariso Caruurta aan Meherka ku dhalan ee bannaanka Lagu soo Tuuro Waxayna Tidhi ‘’Rashiidoow Horta Kelmadaas Caruurtayda Xaal Marin Ayaan ka siinayaa Waayo Maan arag Gabadh uur leh oo Ilmo ay dhashay meel bannaan dhigtay,Isagoo la Caayayana maan arag,Waxa reeban markaas inaan Ilmaha Ku Sheego Wixii lagu dhalay,Sidaa awgeed ma ogoli in Caruurtayda Magacaas loogu yeedho, Dhanka Kale Caruur Lumista iyo Xannaanayntooda Waxaan ka keenay oo Boolisku iigu Markhaati Yihiin Markii aan arkay 102 Qof oo Caruur yar yar ah oo Bisado iyo Ey Cuneen Waana taas ta keentay inaan ka Damqado arrintaas’’ ayay Tidhi Hibo Samo-Wada.