|

Banaanbax Balaadhan oo Ka dhan ah Go’aanka Dawlada Somalia ee Dib Qaadka loogu Keenay Muqdisho oo Ka Dhacay Isla Muqdisho iyo Dareenka Bulshada DHAGAYSO

Muqdisho 17.Sep 2016 (SDN/QJ):- Dadweyne fara badan oo isaga kala yimid 16-ka Degmo ee Gobolka Banaadir ayaa Shalay waxa ay Banaanbax balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan Go’aanka Dowladda Soomaaliya ay ku fasaxday Qaadka waxa ay ka dhigeen Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa xoogiisa wuxuu ka dhacay Beerta Qaadka, Suuqa Bakaaraha Degmada Boondheere iyo xaafado kale, iyadoo dadka Banaanbaxa dhigayay ay ku qeylinayeen erayo ay kaga soo horjeedaan Qaadka ay Dowladda Soomaaliya dib u fasaxday.

Waxa ay sheegeen in Dowladda Soomaaliy ay ku qaldan tahay falkan ay ku fasaxday Qaadka oo Diyaaradihii Qaadka ka keeni jiray Dalka Kenya ay dib u bilaabeen Duulimaadyadoodii.

Todobaadkan gudihiisa ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dalka Kenya ay Uhuru Kenyatta ay ku wada heshiiyeen in dib loo fasaxo Qaadkii Dowladda Soomaaliya ay dhowaan si ku meel gaar ah u joojisay.

Comments are closed