Ma Dhab-baa In Madaxweynaha Ruushka Iyo Murrashaxa Cunsuriga Ah Ee Donald Trump Ay Sumeeyeen Hillary Clinton??
Washington 17.Sep 2016 (SDN/QJ):- Dhakhtar caan ka ah dalka Maraykanka oo magaciisa la yidhaa Dr. Dr Bennet Omalu, ayaa soo jeediyey, kuna taliyey walxaha sunta halista ah laga baadho dhiigga Mrs Hillary Clinton oo ah haweenayda murrashaxa madaxweyne u ah Xisbiga Dimuqraadiga ee dalkaas, isagoo shaki ka muujiyey in la sumeeyey, kadib markii ay ku suuxday fagaare oo lagu xusayey weerarkii 9/11 (11 September 2001) lagu burburiyey daarihii gacansiga ee ku yaallay magaalada New York maalintii Jimcaha ee toddobaadkan.
Murrashaxa Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka Ms. Hillary Clinton, ayaa baadhis caafimaad oo lagu sameeyey toddobaadkan, waxa laga helay xannuunka oof-wareenka (pneumonia) oo sababay inay miyir-doorsoonto waqti ay ku sugnayd meel fagaare ah.
Hasa yeeshee, sida lagu baahiyey wargeyska The Sun ee ka so baxa Ingiriiska oo Maankaab soo xigtay xalay Warkani, dhakhtarka Maraykanka ah oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Nayjeeriya ee galbeedka qaaradda Afrika, ayaa qoraal uu soo saaray ku tilmaamay inay suurtogal tahay in Madaxweynaha Ruushka Mr. Putin iyo murrashaxa cunsuriga ah ee Xisbiga Jamhuuriga Mr. Donald Trump ay sumeeyeen Hillary si ay uga hortagaan inay Madaxweyne ka noqoto Maraykanka.
“Waxa aan kula talinayaa kooxda dhinaca ololaha u qaabilsan Hillary Clinton inay baadhis dhinaca suntan ah ku sameeyaan dhiiggeeda. Waxa suurtogal ah in la sumeeyey. Ma aaminayo Mr. Putin iyo Mr. Trump, labadaasna ninna waa suurtogal inay wax kasta sameeyaan,” ayuu yidhi Dr. Omalu.
Haweenayda murrashaxa ah ee Hillary Clinton, ayaa dhawr jeer laga dareemay xannuun waqtiyadii ay ku jirtay ololaheeda, iyadoo qufac xoogan samaysay xilliyo ay khudbado u jeedinaysay taageerayaasheeda, taasoo sababtay in walaac laga muujiyo xaaladeeda caafimaad.
Si dhab ah looma qaadan karo hadalka ka soo baxay ninka dhakhtarka ah ee la xidhiidha in sun la siiyey Ms. Hillary Clinton, balse waxa arrintaasi abuurtay dareen soo jiitay indhaha caalamka, gaar ahaan dadka sida gaarka ah u danneeya arrimaha Maraykanka iyo doorashooyinkiisa, iyadoo dhinacyada ay khusayso eedayntani aanay weli wax jawaab ah ka bixin.