Guddoomiye Ku-Xigeenka Wakiiladda Oo Ku Baaqay Inay Somaliland Ka Gaashaamato Dulaan Kasta Oo Kaga Yimaada Soomaaliya
Hargaysa 16.Sep 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa ku baaqay in loo diyaar garoobo cadaawad kasta oo Somaliland kaga iman kara dhinaca dawladda Soomaaliya.Waxaanu xusay in la sii adkeeyo cududa ciidamadda qaranka si ay ugu babac dhigi karaan cudud kasta oo dibadda ka soo weerarta Somaliland. Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, waxa uu sidaasi ku sheegay xaflad kulan habeen hore ay xarunta madaxtooyadda ku yeesheen guddida aqoonsi raadinta Somaliland.
“Waxaan soo jeedin lahaa in aynu samaysanno ciidan adag oo ardayda iskuulada ka soo baxaysa aynu tababar u samayno. Waana in aynu u diyaar garowno dagaal iyo cadaawada innagaga soo socota Soomaaliya, maalin walba waa la caawinayaa ciidamadaa loo dhisayaa, waxaana loogu dhisayaa in ay Somaliland burburiyaan,” ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.Sidoo kale, waxa uu sheegay in aanay jirin wax laga faa’iiday wada hadaladii ay Somaliland la furtay Soomaaliya, isla markaana aanay dawladda Xamar marnaba aqoonsanayn jiritaanka Somaliland, waxaanu yidhi “Wada hadal ayaan la galnay Soomaaliya wax aan ka faa’iidnay ma jirto, inama aqoonsanna, jiritaankeenna ayay ka xun yihiin, waanay sii qeyb-samayaan oo waa kuwaa siddeed maamul gobol u qeyb samay aynu kalsooni muujino dadkeenna midayno oo aynu meel u wada jeedsanno, ictiraaf raadintana yaynaan ka daalin.”
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda, ayaa sidoo kale waxa uu naqdiyay wadamadda beesha caalamka iyo qodobadii ka soo baxay shirkii urur goboleedka IGAD ee lagu qabtay magaaladda Muqdisho.“Beesha caalamkuna wax ay ina siisaa ma jirto, siminaar ayay inoo qabtaan, dadkeena ayaa ina ictiraafsan, IGAD iyo beesha caalamku waa inoo badheedhsan yihiin, markaa ayaynaan wakhti badan iska luminin. Waa la inoo badheedhsan yahay, dawladaha IGAD-na awalba waxba kamaynu sugayn, waanay og yihiin in Somaliland nabad tahay oo intaas oo doorasho aynu galnay, oo aynu leenahay xukuumad iyo baarlamaan.Waxa la rabaa waxa weeyi in la bur-buriyo Somaliland sida ay u bur-buriyeen Soomaaliya,”ayuu ku dooday Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee wakiiladdu.