Muqdisho:Ciidammada Dawladda Soomaaliya Oo Dhaawacay Weriye Gacanta Al-shabaab Looga baqayey
Muqdisho 16.Sep 2016 (SDN/QJ):-Ciidammada Milletariga Soomaaliya, ayaa dhaawacay Weriye Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Cabdicasiis Afrika) oo Telefiishanka Soomaaliya (SNTV) u qaabilsan War-bixinada iyo Wararka la xidhiidha Al-shabaab.
Weriyaha, ayaa Shalay Gelinkii hore waxa dhaawacay Ciidammada Milletariga Soomaaliya oo Hawl-galay ka waday Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.
Weriyahan ayaa dhaawucu soo gaadhay, ka dib markii laba Ciidan oo ka wada tirsan kuwa Milletariga Soomaaliya oo Hawl-gallo ka waday halkaasi ay si kedis ah iskugu dhaceen isla-markaana u dagaalameen, sida ay sheegtay Idaacadda Radio Muqdisho.
Idaacadda ayaa sheegtay in Weriye Cabdicasiis Afrika oo ku dhawaa Goobta Dagaalka ay ku dhacday Rasaastii la iswaydaarsanayey, Caafimaadkiisuna wanaagsan yahay, balse Weriye Afrika oo laftiisuna hadlay, ayaa sheegay in Ciidammada Milletarigu weerareen oo dhaawaceen isla-markaana Lugta Midig jabtay, halka Lugta kalena dhawac fudud ka soo gaadhay, “Waan maqlay in Dad yidhaahdeen wuu dhintay, Maan dhiman ee waa noolahay, wakhtigeygana waan dhimanayaa, imikana waan fiicanahay..” ayuu yidhi, Weriye Cabdicasiis-Afrika, waxaanu intaa sii raaciyey isagoo ka warramaya dhaawaca soo gaadhay, “Lugta Midig waan ka jabanahay, Lugta kalena dhaawac fudud baa iga soo gaadhay. Cidda na weerartay (ee i dhaawacday) maaha Al-shabaab ee waa Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya (Milletariga), waxaanan rajeynayaa in Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka iyo Xukuumadda Soomaaliya wax ka qabato.”
Weriyahan, ayaa caan ku noqday Wareysiyo uu la yeeshay Xubno Al-shabaab ka tirsanaa oo loo qabtay inay maleegeen Qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Muqdisho, sida Xasan Xanafi oo Al-shabaab u qaabilsanaa Dilalka Weriyeyaasha, Nin loo qabtay Qarax ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya iyo weliba Nin ka mid ahaa Dhowr Nin oo loo qabtay Dilkii Marxuumad Saado Cali Warsame.
Weriyahan, ayaa la aamisan yahay inuu ka mid yahay Bartilmaameedka Kooxda Al-shabaab, maaddaama oo uu Telefiishanka iyo Idaacadda Dawladda Soomaaliya ee Radio Muqdisho ku baahiyo Warar iyo War-bixinno badhkood lagu dacaayadeeyo Al-shabaab, taasina waa sababta Warbaahinta Soomaaliya qaarkood isla shalayba u sheegeen in Al-shabaab dhaawacday, Warkaasi oo uu markii dambe isagu beeniyey.