Edna Aadan Oo Naqdiday Bayaankii Urur-Goboleedka Igad ay ka soo Saareen Magaalada Muqdisho & Soo Bandhigida Qodobo ay Ku Gabood Faleen DAAWO
Hargaysa 16.Sep 2016 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa nasiib-darro ku tilmaantay go’aankii madaxda dalalka ku bahoobay ururka IGAD ay ka soo saareen shirkii ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya oo ay ku dafireen jiritaanka xuduudaha iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Drs. Edna Aadan oo ka mid ah xubnaha guddiga Icraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa hadal ka jeedisay kulan Madaxweyne Axmed Siilaanyo kula yeeshay qasriga Madaxtooyada habeenkii Abracadii, waxay faahfaahisay sharcinimada xuduudaha Somaliland iyo sida badheedhka ah ee xubnaha ururka IGAD indhaha uga qarsadeen arrintaasi.
“Waxaan dalalka IGAD xasuusinayaa IGAD oo aan jirin ayey Somaliland jirtay, Soomaaliya oo aan jirin bay Somaliland jirtay, in dawladaha adduunku caawiyaan Soomaaliya ee xuduuudihii Talyaanigu uga tagay lahayd way ku mahadsan yihiin, laakiin mucaawanada la caawinayo Soomaaliya maaha inay kellifto in Somaliland loo sadqeeyo, waa laba dal oo xor ah oo labaduba madax-bannaanaa markii ay ku heshiiyeen inay israacaan, in labadaba xuduudahoodii iyo rabitaanka ummadahooda ee xalaasha ah loo raaco ayaa xaqu ahaa,” ayay tidhi Marwo Edna.
Drs. Edna Aadan Ismaaciil waxa kale oo ay intaasi raacisay “Waxa nasiib-darro ah in xubnaha IGAD iyagoo ka mid ah ururka Midowga Afrika oo sharcigiisu tilmaamayo in aan la beddeli karin xuduudihii laga dhaxlay gumaystihii in haddana IGAD ku taliso in la beddelo xuduudihii isticmaarka (gumaystaha) waa ayaan-darro. Somaliland xuduudaheeda cidna kamay qaadin ee waa kuwii ay xaqa u lahayd, xuduudaha Somaliland maaha qaar ay iyadu iska xarriiqatay ee waa qaar lagu gaadhay heshiisyo caalami ah oo ay qayb ka yihiin dawlihii gumaysataha ee Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga.”
Waxa kale oo ay sheegtay in dawlad la’aanta ka jirta dalkii la odhan jiray Soomaaliya ay dhibaato iyo dabar ku noqotay Somaliland, waxaanay tidhi, “Waxa mandaqaddan Geeska Afrika nabadgalyadeedu hagaagi lahayd iyadoo tusaale laga qaato horumarka iyo nabadgalyada Somaliland ay soo dhacsatay, Somaliland ayaan-darrada u wayn ee haysataa waxa weeye xukuumad ay la hadasho kamay dhalan Soomaaliya, xukuumad ku dhalatay doorasho oo shacabkeedu u igmaday kama jirto 25 sanno ee Somaliland madaxbannaanayd, Soomaaliya waxa ka taliya dad la magacaabay, waxa ka taliya dad ajanabi ilaaliyo oo ka talisa wax guri le’eg. IGAD waxa u fiicnaan lahayd inay caddaalad eegto.”