Safiirka Britan u fadhiya Sacuudiga oo Islaamay, sanadkana gutay waajibaadka Xajka (Daawo Sawirro)
Hargaysa 16.Sep 2016 (SDN/QJ):-Safiirka dowlada Ingiriiska u fadhiya dalka Boqortooyada Sucuudiga Simon Collis ayaa qaatay diinta Islaamka, isagoo sanadkan ka mid ahaa Muslimiintii gudatay waajibaadka Xajka.
Simon ayaa Islaamay kadib muddo dheer oo uu ka shaqeynayey Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingiriiska.
Xaaska danjire Simon Collis oo horey u heysatay diinta Islaamka ayaa ugu hambalyeysay ninkeeda soo gelidda diinta Islaamka iyo gudashada xajka.
Danjire Simon ayaa Sheegay inuu ku faraxsan yahay qaadashada diinta Islaamka ka dib 30 sano oo uu ka dhex shaqaynayey dunida muslimka.
Waxaa uu sheegay inuu soo galay Islaamka muddo gaaban kahor guurka xaaskiisa Hudda oo iyaduna Islaam ah.
Simon Collis ayaa noqdayo Danjirihii ugu horreeyey ee Biritish ee Sucuudiga ee guta waajibka xajka kadib qaadshada diinta Islaamka.
Sanadkii 1978-dii ayuu ku biiray shaqada Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingiriiska, waxaana uu bartay Afka Carabiga, waxaaa uu ka soo shaqeeyey, waxaana uu danjire ka noqday waddamada Ciraaq, Suuriya iyo Qadar , India iyo Oman.
Danjire Simon Collis; ayaa loo magacaabay in uu noqdo Safiirka Ingiriiska ee Sucuudiga dabayaaqadii bishii Jannaayo-2015.
Warbaahinta caalamka iyo kuwa reer galbeedka ayaa si weyn u hadal haya maanta talaabada uu safiirkii Britain u fadhiyey ku qaatay diinta Islaamka.