Maxaa Sababay In La Yareeyo Furrista Albaabka Kacbadda Barakaysan?
Hargaysa 16.Sep 2016 (SDN/QJ):-Qof kasta oo Muslim ahi waxa uu jecelyahay oo uu illaahay ka baryaa inuu waafajiyo sidii uu soo gudan lahaa waajibka diiniga ah ee xajka, waxaanu qof kasta oo Muslim ahi illaahay ka baryaa inuu gaadho oo uu taabto kacbadda.
Haddaba, baryihii hore waxa la furri jiray albaabka kacbada laba jeer ama saddex jeer bil kasta, si qof kasta oo illaahay la kulmiyo xilliga uu furran yahay albaabka kacbaddu uu gudaheeda u gallo oo uu u soo arko.
Laakiin muddooyinkan danbe waxa la furraa laba jeer oo kaliya sanadkiiba labadan jeer oo kala ah 1-da bisha Shacbaan sanad kasta iyo 1-da bisha Dul-xija sanad kasta, labadan jeerna waxa loo furraa waa in la soo maydho oo laga badalo direyska ku xidhan kacbadda sharafta leh.
Haddaba, haddii loo baahdo in labada jeer wax ka badan la furro waxa amar ku soo bixiya boqorka Sucuudiga, si loogu ogolaado martida ku sugan xarramka inay gallaan gudaha kacbadda. Sababteedana waxa lagu sheegay in ay dhibaato badani ka soo gaadhay dadka oo dhaawac iyo dhimasho ah, maadaama oo muslimiinta ku sugan xarramku ay isku cidhiidhiyaan sidii ay u gali lahaayeen kacbadda gudaheeda.
Waayo, waxa hal mar ku kulma in ka badan 2 millyan oo Muslimiin ah, kuwaasoo mid kastaaba rabo niyadana ku hayo inuu gaadho ama uu gallo gudaha kacbadda, taasina ay aad u adag tahay maadaama oo tirada xujaajta ama dadka cimraysanayaa ay aad u badan tahay.
Haddaba, albaabka kacbaddu oo ah mid had iyo jeer la ilaaliyo ilaa iyo imikana lama oga inuu yahay kii lagu dhisay iyo in wax kale laga badalay laakiin dhamaan hogaamiyayaashii islaamka ahaa ee gacanta ku dhigay maamulka caalamka islaamka waxa ay ku dadaali jireen sidii ay u hagaajin lahaayeen labadaasi albaab ee ay leedahay kacbaddu iyadoo lagu xidho dushiisa daah ka samaysan dahab iyo dheeman oo aan marnaba wax lagala bakheylin oo aanu dayacmin, maadaama oo ay tahay qibladii islaamka ee uu illaahay qur’aanka ku sheegay S.W.T.