|

Mucaaradka Tanzania: Dalka wuxuu galayaa gacanta nidaam kaligii-talisnimo ku dhisan

Tanzania, 15.Sep 2016 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha mucaaradka dalka Tanzania, Edward Lowassa ayaa muujiyay walaac uu ka qabo hogaaminta madaxweyne John Pombe Magufuli, wuxuuna sheegay in dalkaasi uu si tartiib ah u galayo gacanta nidaam kaligii-talisnimo ku dhisan.

edward-lowassaEdward Lowassa, oo kaalinta labaad galay doorashadii madaxtinnimada ee dalkaasi ka dhacday sanadkii aan soo dhaafnay ayaa BBC-da u sheegay inay wax badan ka khaldan yihiin qaabka uu Magufuli u maamulayo dalka Tanzania.

Bishii la soo dhaafay ayaa xisbiga ugu wayn mucaaradka dalkaasi ee lagu magacaabo Chadema waxa uu ku baaqay in la sameeyo mudaharaad ballaaran balse boliiska ayaa mamnuucay dibed baxyada siyaasadeed ee dalkaasi.

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Magufuli wali kama jawaabin eedeynta uu soo jeediyay hogaamiyaha mucaaradka.

Comments are closed