|

DAAWO:-“Ma noqonaayo madaxweyne ku xigeen marka wax-yar loogga baahdo loo diraayo Boorama, se waxa aan tegi doonaa buuhoodle iyo Laascaanood.”.Murashax Cabdiraxmaan Aadan

Hargaysa 16.Sep 2016 (SDN/QJ):- “Anigu ma ihi madaxweyne ku xigeen ka socda gobalka awdal, se waxa aan ahay madaxweyne ku xigeen ka socda dhammaan goballada somaliland oo dhan. Waxa aan ballan-qaadayaa in ay dhammaan goballada oo dhammi ay ii sinnaadaan, ma noqonaayo madaxweyne ku xigeen marka wax-yar loogga baahdo loo diraayo boorama, se waxa aan tegi doonaa buuhoodle iyo Laascaanood.”.Ayuu yidhi Inj.Cabdiraxmaan Aadan.

“Waxa aan is lee yahay waxa aad tahay qofkii ugu habboonaa ee u sharaxan madaxweyne ku xigeenka waddani, saaxiibaddeyda ila tartamaaya na raali baan ka ahay, cid kasta oo xisbigan ka tirsanna xaq bay u lee dahay in ay isa soo sharaxdo, kama na xumaanayo. Aniga na murashaxnimaddeydu maaha mid aan anigu meesha soo dhigtey oo kaliya in aan guuleysanaayo, hase yeeshee umaddaasi haddii ay I doorato uun baan noqonayaa, se haddii aan la I dooran ama cidi qol madow ii riixato ma rabo.”. Cabdiraxmaan Aadan

Comments are closed