Sawir laga qaaday Xildhibaan Saalax Badbaado Ka Hor intii aanu Is qarxin oo la soo Bandhigay
Muqidsho 15.Sep 2016 (SDN/QJ):- Mu’asasada Al-Kataa’ib oo ah garabka warbaahineed ee xarakada Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay Muuqaal laga duubaay Ex. Xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) oo 26-kii July ee sanadkan isku qarxiyay afaafka hore ee xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.
Muuqaalkan oo soconaya 16-daqiiqo ayaa waxaa kasoo dhax muuanaya Ex-Xildhibaan Saalax Badbaado oo ku farxsan iskuna diyaarinaya in uu fuliyo weerarkan is qarxinta, waxa uuna sheegay in falkan uu yahay mid uu ilaah ugu dhawaanayo kuna ciqaabayo cadowga.
Saalax Badbaado oo horey uga tirsanaa Baarlamaankii KMG ee Soomaaliya ayaa ku biiray dagalayahanada Al-Shabaab kadib markii uu isaga tagyay Baarlamaankii uu katirsanaa, Waxa uuna xiligaasi cadeeyay in uu ridoobay uuna ka toobad keenay ridadaasi.
Weerarkan uu fuliyay Saalaxd Badaado waxaa ku dhintay dad badan oo isugu jira shacab iyo ciidan, waxa uuna weerarkan Saalax u adeegsaday gaari nuuca xamuulka qaado ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Muuqaalkan Al-Shabaab baahiyeen ayey kusoo beegeen munaasabada Ciida, waxaana Muuqaalka dhaxdiisa lagu soo bandhigay Khudbado uu marar kala duwan jeediyay Salaax Badbaado oo ah nin kasoo jeeda Somaliland dhalasho ahaan.