|

Shirkii Madasha oo lasoo gabo gabeeyay maxa ugu wayn waxa lagu heshiiyay

Muqdisho 14.Sep 2016 (SDN/QJ):- Shirkii madasha wadatashiga qaran ee asbuuca ka socday Muqdisho ayaa lasoo afmeeray ayadoo qodobbo dhowr ah la isla qaatay.

Shirkaan qodobada lagu heshiiyay waxaa ugu waynaa in dib loogu noqdo heshiiskii madasha ee Bishii Afaraad ee sanadkan dhacay ee dhigayay in tirada aqalka sare ay noqoto 54, isla markaana ay maamul goboleedyadu si siman u qaybsadaan xubnahaasi marka laga reebo Somaliland iyo Puntland oo helaya min 11 xubnood, halka inta kalana ay helayso 8 xubnood.

Arimaha kale ee la isla eegay waxaa kamid ah in waqtiga doorashada aan sinaba dib loogu dhigi lana tix galiyo waqtigii la qabtay.

In guddiyada madaxa bannaan ee doorashada awooddooda loo dhammaystiro si ay shaqooyinka harsan u gutaan ayaa kamid ah qodobada lagu heshiiyay.

Waxaa sidoo kale kamid ahaa in raysulwasaaraha Soomaaliya uu daba gal buuxa ku sameeyo kharashka ay ku deeqday beesha caalamka ee ah 16-ka malyan.

madasha-1 madasha-2 madasha-3

Comments are closed