Sheekh Aadan Siiro oo Si Adag uga Hadlay Diiwaangelinta Goobaha Lagu Muransan Yahay,Kala Qaadista Doorashooyinkii Is Barkanaa & Qodobo Kale DAAWO
Hargaysa 13.Sep 2016 (SDN/QJ):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbad uu ka jeediyay Garoonka Kubadda Cagta ee Xaafadda Xawaadle ee Magaalada Hargeysa, ka dib Salaaddii Ciiddul Adxa ee Shalay wuxuu kaga hadlay Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo uu Toddobaadkan kala qaaday.
Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay in Shacabka Somaliland Sababtii ay u soo galeen Halgankii Dalka lagaga xoreeyay Dawladdii Milletariga ahayd ee Soomaaliya ay ahayd inay helaan Caddaalad, sidaa daraadeed loo baahan yahay in Xukuumadda Talada Somaliland haysa Xilligan aanay ka baydhin wixii Xisbiyada Qaranku ku heshiiyeen, haddii kale aanay Shacabku ogolaanayn Doorasho Cid gaar ahi daneynayso.
“Dalkan Halgan baa loo soo galay, Hanti boqollaal Sano aynu soo tabcaynay baynu u baa’biinay, Hablo iyo Wiilal badan oo aynu jeclayn baa ku le’day, in badan baa ku Naafoobay, In badan baa ku agoomoobay (Halgankaa). Waxaas oo dhan waxaynu u soo galnay inaynu helno Caddaalad iyo Nolol ka wanaagsan noloshii hore, taasina waata ay tahay inay ogaadaan Dadka Talada hayaa, waata ay tahay inay ogaadaan inta Caqliga iyo Cilmiga leh ee garaneysa Dalkani wuxuu yahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo qorshuhu ahaa in si wada jir ah loo qabto bisha Saddexaad ee Sannadka dambe, balse uu Madaxweynuhu kala qaaday isla-markaana uu go’aamiyey in Doorashada Madaxtooyadu dhacdo Xilligii Qorshuhu, ta Golaha Wakiilladana Dib loo riixo, “Doorashooyinka waxaynu u dooranay (Samaysannaa) inaynaan Is-dilin oo aynu ku kala nabadgallo. Nidaamka aynu Reer Galbeedka ka soo rarnay maaha Nidaamkii Asalka ahaa ee Dalkan lagu dhaqi lahaa, waana Nidaam Tijaabo innagu ah oo aynaan u fulinayn sida kuwa Dunida haysta ee Nidaamkan ku caano maalay doonayaan, oo wax badana waynu dhex gelinay (Dimuqraadiyadd). Haddaanu ka mid nahay Culimada Waddanka ku abuuran waxaanu nahay Dad ku adag in Dalkani uu Dal jiro noqdo, Dadkiisuna Mustaqbal helaan, sidaa daraadeed waxaanu taageersanahay in Doorashooyinka la tartamo oo la ilaaliyo, si aanay Dalkeenna dhib badan ugu imanin, markaa waxaanu leenahay waar Doorashooyinka sidii lagu heshiiyey hala yeelo, Waayo? Doorasho Qof isku Qiyaaso, ama Xisbi Isku Qiyaaso ama Koox wax isku ogi isku Qiyaasaan ma dhaqeyso Somaliland.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey Sheekhu, “Waxaanu leenahay wixii Xisbiyadu ku heshiiyeen, ee Hore loo wada ogaa, Ummadduna Maragga ka ahayd sidiisii ha loo daayo, haddiise wax laga beddelayo waxay u taallaa Xisbiyada iyo Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, oo iyagaa wada tashi loo dhan yahay, oo aanay Cidi dhan ka rarin ama Cid dan gaar aha lihi aanay Danteeda ku fushan uga wada tashan doona, Ummadduna wax kasta oo lagu heshiiyo diyaar bay u tahay inay taageerto, laakiin wax Kooxi wadato, wax Nin Dan lihi uu wato marnaba Ummaddu aqbali mayso. taasi waata keentay in Dadku ku qaybsamaan, waana ta keenaysa Burburka, markaa waxaanu uga digeynaa Komiishanka Doorashooyinka iyo inta Taladu ku xidhan tahay waar wixii aad ku heshiiseen hala ilaaliyo.”
Sheekh Aadan-Siiro, wuxuu Xukuumadda ku eedeeyay inay Xisbiyada Qaranka burburinayso, waxaanu yidhi, “Xukuumaddu waxay u dhaqaaqday inay Xisbiyada burburiso, si Xisbiga ay doonaysaa u soo hadho, waxaanu leenahay waar Xisbiyada Khilaaf ha gelinina oo ha burburinina, ee Xisbiyadu markay is-qabsadaan u Caddaalad fala.”
Sheekhu waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay muranka Dhuleed ee ka taagan Lixda Goobood ee ku yaalla Waqooyiga Hargeysa, waxaanu sheegay in Masuuliyiin ka mid ah Xukuumaddu masuul ka yihiin muranka halkaa ka taagan ee u dhexeeya Dadka Walaalaha ah ee Weligoodba wada degganaa, “Arrinta Waqooyigu waa Mashruuc la siyaasadeed oo la doonayo in Dadka timaha la iskugu xidho. Laakiin yaa iskugu xidhaya Dadka Timaha ?, Xukuumadda qayb ka mid ah ayaa Dan gaar ah ka leh inaan Mashruuca Waqooyigu dhammaanin (Muranka Lixda Goobood ee Waqooyiga Hargeysa), kuwaasina waa kuwa Hantidii Dawladda ku isticmaalaya in khilaaf ka dhaco oo Qabaa’ilku muraan, waa kuwa Hantida Dawladda ku isticmaalaya in Qabaa’ilku is-qabsadaan, waxaanu leenahay Waar ka Daaya, Waayo? Fidmada Waqooyigu hadday Fiddo waxay gaadhaysaa Somaliland oo dhan.” Ayuu yidhi, waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata uu farriin u diray Dadka wada deggan deegaannada Waqooyiga Hargeysa, “Qabaa’ilka wada deggan Waqooyiga (Hargeysa) waa Dad Khayr badan, way yaqaanaan waxay kala leeyihiin, way yaqaanaan siday u wada deganaan jireen, markaa waxaanu leenahay (Dadka ku dhaqan Waqooyiga Hargeysa), idinka oo Caqligiina iyo Diinta suubban ee ILAAHAY inna siiyey Isticmaalaya danahiina ka tashada, oo Nin Dan leh oo doonaya inaad is-qabsataan ha yeelina.”ayuu yidhi.
Gabogabadii wuxuu Sheekh Aadan-Siiro uu Xukuumadda u soo jeediyay in la dhiso Xabsi u gaar ah Dumarka, maaddaama oo Xabsiga ugu dhow ee lagu xidho Dumarka dambi ku gala Hargeysa ama Magaalo kale uu yahay Xabsi ku yaalla Magaalada Gabiley.