|

Qaadka oo Si Tuugo ah ku yimaada Deegaanada Koonfur Galbeed Somalia iyo Digniin Adag oo Maamulka K.Galbeed ka soo saaray

Baydhaba 12.Sep 2016 (SDN/QJ):- Amar 6 bishan kasoo baxay wasaarada duulista hawada Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuusan jirin qaad imaan kara gudaha dalka Soomaaliya iyadoo qaar kamid ah maamul goboleedyado ay kasoo horjeesteen go,aankaas sida Maamul Goboleedka Puntland iyo Xukuumada Somaliland oo Sheegtay in aanay Khusayn awaamiirta Dawlada Federaalku Maadaama ay dib ula noqdeen Xoriyadoodii 1960kii.

 

qaadIlaa maalintii amarkaasi soo baxay ayaa inta badan koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya aysan jirin wax qaad ah oo kasoo degay kaas oo diyarado ku yimaada.

 

Magaalooyinka xiga dhanka xuuduuda ayaa qaar yar oo kamid ah ganacsata waxay soo marsiisan jireen qaad kaas oo ku imaan jiray Gaadiid gawaari ah.

 

Magaalooyinka Soomaaliya ayaa si tuugo ah loogu gayn jiray gaar ahaana magaalooyinka ay ka taliyaan maamulada koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Jubbaland oo si cad loogu iibin jiray Jaadka kaas si loo buriyo oo aanu u hirgelin amarka dawlada federalka Soomaaliya.

 

Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhacdooyinkaasi kadib wuxuu wareegto kasoo saaray qaadkii imaan jiray gudaha deegaanadeeda ee sida tuugada ah ku gali jiray waxaana ay shegeen inay ganacsatada uga digayaan arintaasi.

amarka-qaadka

Comments are closed