Muddo Xileedkii Dastuuriga ahaa ee Mudada 4 Sano ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo Caawa dhamaaday, & Waxyaabaha Lagu Xasuusan Doono
Muqdisho 10.Sep 2016 (SDN/QJ):- Caawa oo kale 10-kii September sanadkii 2012 ayey aheyd markii Prof. Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay inuu ku fadhiisto kursiga ugu sareeya Dalka Soomaaliya.
Dhamaadka afartii sano ee dastuurku fasaxayey ayaa caawa ku eg, iyadoo wixii ka dambeeyay 12:00-ka saqda dhexe uu noqday sii hayaha xilka Madaxweynaha Somalia, wuxuu sii joogi doonaa xafiiska tan iyo inta laga gaadhayo 30-ka October oo lagu ballansan yahay inay dalka ka dhacdo doorashadii Madaxweynihii bedeli lahaa ee Soomaaliya, waaba haddii aan afar sano oo kale dib loo dooran.
Xasan Sheekh xilka madaxweyne nimo ee xiligaas loo doortay waxa uu dad badan oo soomaali ah ku noqday lama filaan, maadaama uu siyaasadda ku cusbaa, siyaasiyiin ka mug weynaa oo uu la tartamayey ayaa wareegii ugu dambeeyey ee doorashada uu kaga guuleystay Sheekh Shariif Shiikh Axmed oo ahaa madaxweynihii isaga ka horeeyey ee hogaaminyey dowladii ugu dambeysay ee KMG aheyd.
Doorashada ka hor Xasan Sheekh aad looma aqoonin, wuxuuna ku dhex jiray howlaha waxbarashada iyo Ururada bulshada rayidka ah.
Dadka taageera Xasan Sheekh waxay sheegeen in Muddadii uu Madaxweyne ka ahaa dalka uu ku guuleystey dhanka arrimaha Dibadda, xoojinta iyo isku haynta hay’adaha dawladda, baahinta Federaalka dalka iyo dhisida maamul goboleedyada, maalgashiga qurba joogta Soomaaliyeed qaarkood, u hiilinta qaxootiga dibadda ku sugan, iyo qodobo kale.
Hase yeeshee dadka dhaliila wax-qabadkiisa waxay ku eedeeyaan in aanu wax la taaban karo ka qabanin amni xumida, horumar la’aanta, musuq-maasuqa faraha ka baxay, fadhiidnimo maamul, gaadhsiin la’aanta wadanka doorasho qof iyo cod ah, kuna caan baxay safaro dibadeed oo intooda badan aan macno badan laheyn.
Xasan Sheekh oo ku caan baxay dhoolacadeyn inta badan joogto ah ayaan dhag jalaq u siinin eedeemaha uga imaada bulshada isagoo iska fogeeyey talooyinka qeybaha bulshada, ayna dhegtiisu u dalooshay oo kaliya koox yar oo ku xeyn daaban, kuwaasoo talooyinkooda aysan ka madhneyn iney ku hoos wadeen danahooda khaaska ah.
Dadka Odorasa siyaasada Somalia ayaa aaminsan in Xasan Sheekh markii xilka loo dhaariyey uu ku deg degay balamo badan oo markii dambe ay ku adkaatay inuu fuliyo, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen inaan mar dambe la maqli doonin Madaxweyne iyo Raysal-wasaare is heysta, balse taas ma dhicin 3 Raysal-wasaare ayuuna magacaabay mudadii uu xafiiska joogay taasoo dadka qaarkood ku tilmaameen iney muujineyso aqoon darada ka heysatay siyaasada.
Ka sokow amniga waxyaabaha kale ee Madaxweynuhu sida weyn uga gaabiyey waxaa ka mid ahaa dhismaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka mid ahaa balan-qaadyadiisii ugu waaweynaa, afar sano ka dib weli ciidanku ma heystaan qalab iyo mushahar joogto ah.
Ugu dambeyntii, Su’aalaha dad badan isweydiinayaan waxaa ka mid ah; Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale doonaya inuu afar sano kale sii fadhiyo kursiga ma loo darsan doonaa? mise waa laga reysan doonaa? haddii uu soo laaban waayo, hadiise dib loo doorto muxuu soo kordhin karaa maadaama waxa uu galo iyo waxa uu gudo horey loo soo arkay.?