|

“Reer Berbera Waxaan Leeyahay, Ilaah Baan Idinku Dhaarshee Maamuuska Ay Idin Siiyeen Axmed  Siilaanyo iyo Marwo Aamina Weris  Guddooma..” Maareeyaha Dekeda Berbera

Hargaysa 11.Sep 2016 (SDN/QJ):- Munaasibad balaadhan oo lagu fooladaynayay heshiiska ay xukuumadda Somaliland la gashay shirkada DP World ayaa habeen hore ka dhacday hoolka Green Plaza ee magaaladda Hargeysa, isla markaana waxa xafladdaa oo uu qabashadeeda lahaa Maayar Cabdiraxmaan Soltelco ka qayb galay xubnaha weftiga soo saxeexay heshiiska, Marwadda Madaxweynaha Aamina Weris, Wasiiro, iyo marti sharaf kale oo tiro badnayd oo isugu jiray dawladda iyo qaybaha bulshada.

maareeyaha-dekeda-berberaMadashaa waxa ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray guddiga heshiiska qaabilsanaa iyo qaybaha kale ee dawladda, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe iyo xubno kale oo ka mid ahaa ka qayb galayaashii xafladdaa.

Wasiirka Qorshaynta Cali Shoombe ayaa isna hadal uu munaasabadaa ka jeediyay ku sheegay in heshiiska ay wada galeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shirkadda DP World oo metesha Imaaraadka. Wasiir Shoombe wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi; “Hadaynu eegno heshiiska faa’iidooyinkiisa ta ugu horaysaa, waa aqoonsi dhaqaale oo aynu helay in la inagu aamino, oo macnaheedu tahay waxaanu nahay dad wax lala geli karo. saaxiib ayaynu yeelanaynaa inooga dooda golayaasha caalamka ee aynaan goob jooga ka ahayn. 28% dhaqaalaheenu wuxuu ka yimaadaa xoolaha nool, 23% wuxuu ka yimaadaa adeega aynu u fidino dalalka jaarka ah, DP World heshiiskan aynu la galay ee casriyaynta dekedu wuxuu keenayaa in 60% in ka badan uu isu bedelo dhaqaalaheenu oo uu adeega ku xidhnaado. Waxa inoo kordhaya dakhliga dawladda, wuxuu soo jiidanayaa shirkado kale,oo imikaba aanu sheegayno qaarkood inay diyaar yihiin. Wuxuu keenayaa shaqo abuur, waxa kale oo heshiiskani keenayaa balaadhinta ganacsiga gudaha.” Wasiir Cali Shoombe wuxuu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi; “Hadaba, dad ahaan maxaa inaga la i nooga baahan yahay, waa taageerida heshiiska, waa wax inoo soo kordhay, in aynu fulino oo danta shakhsiga ah iyo danta guud kala saaro.” Wasiir Shoombe wuxuu sidoo kale cambaareeyay saxaafadda qaarkeed, isla markaana wuxuu u jeediyay hay’adaha amaanka, wixii amniga wax u dhimaya in aan cidna looga habran ee gacan adag lagu qabto.

Maareeyaha Dekedda Berbera Axmed Yuusuf Dirir oo isna ka mid ahaa weftiga dawladda ee soo saxeexay heshiiska DP World ayaa ka hadlay munaasabaddaa, waxaana weedhihiisii ka mid ahaa oo uu yidhi; “Caawa waxaynu u xafladaynaynaa mid ka mid ah xafladaha ugu waawayn ee taariikhdeena ina soo martay oo ah mid aynu ugu xafladaynayno talaabo horumarineed oo aynu hore u qaadnay oo taariikhdeena ku suntanaan doonta. Waxaan hubaa in badan la mahadin doono, in aynu maanta maalgashi u soo helay dekeddeenii inta badan aynu ka werwersanayn siday ula tartami doonto dekedaha caalamka.” Maareeyuhu wuxuu intaa raaciyay in ganacsiga casriga ah ee aduunka ee badaha isaga gudbaa ay yihiin qaar ku jira koonteenaro, isla markaana ay xambaaraan maraakiib casri ahi, sidaa aawadeed Maareeyuhu wuxuu xusay in dekedda Berbera ay heshay mashruuc u suuragelinaya inay la talaabsato dunidda. “Gobolka Saaxil maanta dadkiisu wuxuu u diyaar yahay oo ay fahmeen inay maanta u taagan yihiin horumarkaa inay ka qayb galaan, Somalilandna waxaanu leenahay horumarkaa loo istaagay nagala qayb gala”ayuu yidhi Maareeye Axmed Dirir.

Maayarka Berbera Cabdishukuur Ciddin oo isna ka mid ahaa weftigaa, halkaana hadal ka jeediyay ayaa si duur xul ah u tilmaamay khatarta beenta, isla markaana wuxuu xusay in aan lala saaxiibin beenaalaha. “Bulshada reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa, oo weliba aan ugu baaqayaa ardayda jaamacadaha ka qalin jebisay, in maanta mafaatiixdii la furay oo ay heli doonaan wixii ay doonayaan. Dhalinyarada waxaan leeyahay dhalinyarooy mustaqbalkaaga u soo jeeso oo ilaasho oo ha dhegaysan hadalka siyaasiga ee halka dantaadu ku jirto ee danta umadu ku jirto u soo jeeso. Waxaan leeyahay reer Saaxil, reer Berbera, waxaan in badan iswaydiiyaa carabtu maxay sanka isu saarsaaraan markay isa salaamayaan, reer Saaxilow waa inaynu inaguna sanka isa saaro. Sanka waxa la isu saarsaarayaa dee waa la kala mashquulayaa, horumar baa imanaya, horumarka cidina yay abaanin, cidna ha ka magansan ee horumarka ka qayb gal, una diyaargarow  inaad noqoto kuwa haga ee hormuud u noqonaya horumarka”ayuu yidhi Maayarka Berbera.

Cabdikarim Xinif oo ka mid ah masuuliyiinta komishanka qaranka ee Aidska oo isna ka mid ahaa dadkii ka hadlay madashaa waxa weedhihiisii ka mid ahaa oo uu yidhi; “Caawa waxa maayarka magaaladu xafladan u qabtay, waa soo dhawayn, mahadnaq iyo taageero  xubnaha dhabarkayga fadhiya ee muddada wiiga iyo siyaadada ahaa hawshaa ku maqnaa. Xisbiga Kulmiye waxaan filayaa isaga in aan caawa laga filayn taageero, waaba cidii hawshan waday, waayo xukuumadu xisbiga Kulmiye ayay ka dhisan tahay, Madaxweynuhuna waa aasaasihii iyo hogaamiyihii ruuxiga ahaa ilaa imika ee xisbiga Kulmiye. Waxaan filayaa dekedan iyo wadooyinkan iyo darajooyinkan iyo waxyaabaha inoo muuqdaa waa waxyaabaha ugu yar ee Axmed Siilaanyo qarankan u qabtay bay ka mid yihiin. waxyaalo ka waawayn oo ilaa naf huridle ayuu qarankan u qabtay. Xisbiga Kulmiye halkaa Madaxweynahaa maanta uu waqtigu kaga dhamaado ayuu ka sii qaadi doonnaa wixii horumarin ah ee qabyooba, barnaamijkiisana wuxuu soo bandhigi doonnaa dhawaan.”

Marwo Adna Aadan oo hore u soo qabatay jagada Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa iyana hadal ka jeedisay madashaa Green Plaza ee habeen hore lagu fooladaynayay heshiiska ay xukuumaddu la gashay DP World. Marwo Adna hadalka ay halkaa ka jeedisay waxay ku sheegtay, in heshiiska ay Somaliland la gashay DP World uu ka dhigan yahay aqoonsi dahsoon, isla markaana waxay intaa raacisay in fursadani tahay mid dahabiya oo loo baahan yahay in Somaliland wada ilaashato. “Marka Somaliland laga hadlo waan mirqaamaa, laakiin maanta waxaan ku mirqaamaa la i tusay,wixii aan u halgamayay 25 sano maanta midhahoodii baan arkaa. Maanta waa maalintii aan dhashay, waa tii ugu qaalisanayd  intii aan jiray  ee i soo marta” ayay tidhi Marwo Adna.

Xildhibaan Cali Gabilay oo ka mid ahaa masuuliyiintii xafladdaa ka qayb galay ee hadalka ka jeediyay, ayaa ugu baaqay dadka reer Berbera inay soo dhaweeyaan heshiiska dekedda Berbera, kaasoo uu xusay inuu faa’iido u yahay dalka oo dhan. “Walaalahayga reer Berbera waxaan leeyahay, Berberaay waxaa tahay hooyadii Somaliland, dadkii hore oo dhami way garan waayeen abaalkiinii, wuxuu ilaahay garansiiyay oo gartay Axmed Maxamed siilaanyo iyo Marwo Aamina Weris, hadaba maamuuska ay idin siiyeen ilaah baan idinku dhaarshee qaata’oo, maamuusa’oo gudooma’oo, u duceeya” ayuu yidhi Xildhibaan Cali Gabilay.

Maayarka Hargaysa Cabdiraxmaan Soltelco  lahaa martiqaadka xafladdaa ayaaa ka hor masuuliyiintaa hadal kooban oo mahadnaq, soo dhawayn iyo taageero isugu jira halkaa ka jeediyay, isla markaana wuxuu xusay in cid kastaaba waxay qarankan u qabato lagu maamuuso oo lagu bogaadiyo. Sidoo kale waxa madashaa ka hadlay masuuliyiin kale oo dawlada ka tirsan, ganacsato iyo xubno kale. Maaweelo dhanka fanka ah ayaa iyana qayb ka ahayd munaasibadaa loogu hambalyaynayay weftiga soo saxeexay heshiiska, laguna soo dhawaynayay filashadiisa iyo gardaadinta midhihiisa. Guud ahaan madashaa hadaladii laga jeediyay waxa qaybo badan oo ka mid ahaa hadheeyay cambaarayn, canaan iyo hanjabaad saxaafadda dhan ka ah, taasoo badi loogu duur xulayay warbaahinta qaarkeed oo xukuumaddu ku tilmaantay qaar badhi furaya heshiiska, warar been ahna ka faafiyay.

Dhanka gudoomiyayaasha xisbiyadda siyaasadda waxa ka qayb galay xafladdaa Gudoomiyaha Ucid oo keliya, waxaana ka maqnaa Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi.

Comments are closed