|

Madaxwaynaha Soomaaliya oo Shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan Sugida Amniga Muqdisho DHAGAYSO

Muqdisho 11.Sep 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, una dulqaataan tallaabooyinka dheeriga ah ee lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho oo la filayo in dhowaan lagu qabto Shir Madaxeedka waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD.

XASAN SHEEKH“Waxa lagu guda jiraa qabanqaabada shirka madaxda IGAD. Waa shir taariikhi ah, dhanka kalena muujinaya kalsoonida gobolka iyo beesha caalamka ay ku qabaan dib u soo kabashada Soomaaliya. Waxaan sidaa darted dadaal dheeri ah gelinay sugidda amniga, iyadoo ay lagama maarmaan tahay in shacabka ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga si aanu cadowga ugu suuragelin inuu fursaddaasi dahabiga ah ka lumiyo waddankeena’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in tallaabooyinka amniga lagu sugayo ay la imaan karaan caqabado dhanka dhaqdhaqaaqa bulshada, isagoo shacabka ka codsadey inay u dulqaataan maalmaha yar ee hawlaha shirka lagu xaqiijinayo ay socdaan.

Urur Goboleedka IGAD oo sannadkii 1986-kii waxaa lagu aasaasay dalka Djibouti, ayaa markii ugu horeysay shir madaxeedkiisa ku qabanaya dalka Soomaaliya, iyadoo Soomaaliya ay ka mid ahayd aasaasayaashii ururkan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale ka hadley hawlgalada guud ee dhanka amniga oo uu sheegay inay si habsami leh u socdaan, dhowaanna ay shacabku maqli doonaan war ay ku farxaan oo ku saabsan dagaalka lagula jiro cadowga.

Isagoo ka hadlayay arrimaha shirka madasha hoggaamiyeyaasha qaranka ee ka socda Muqdisho, waxaa uu Madaxweynaha sheegay in wax walba ay si wanaagsan u socdaan, dhowaanna shirkaasi la soo gabagabeyn doono, lagana soo saari doono go’aanno dhaxal gal ah oo la xiriira dowlad dhisidda iyo doorashooyinka Soomaaliya.

Comments are closed