Warbaahinta Somaliland oo Ka Jawaabtay Hadal Hanjabaad ah oo Wasiirka Madaxtooyadda ka soo yeedhay
Hargaysa 11.Sep 2016 (SDN/QJ):- Qaar Ka mid ah Saxaafadda Madaxa banaan ee ka hawl gasha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland oo ka gilgishay hadallo uga yimid Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo dhawaan sheegay inuu dalka ka xorayn doono warbaahinta.
Saxafiyiintan ayaa hadalka Wasiir Maxamuud Xaashi ku tilmaamay mid deelqaaf ku ah mihnadooda saxafinimo,taasi oo dhaawac u gaysan karta mihnadan ay bulshada iyo qaranka Somaliland ugu shaqeeyaan.
Saxafiyiintan ayaa waxaa ay hadladaasi ka soo yeedhay masuulyiinta ee lagu duraayey warbaahinta ku tilmaameen in ay yahiin qaar deel qaaf ku ah saxaafda isla markaana aanay geyin warbaahintu .
“Wasiir Maxamuud Xaashow saxaafadu in dalka laga xoreeyo uma baahna ee adiga iyo beentaada in dalka laga xoreeyo ayaa loo baahan yahay ” mid ka mid saxafiyiintii shirka jaraa’id qabtey
Qaybahan warbaahinta ka mid ah ayaa xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo uga digay in haddii ay sidaasi ku sii socoto ay qabsan doonaan shir balaadhan oo lagu midaynao Warbaahinta kala duwan ee dalka ka hawl gasha.
Wasiirka Madaxtooydda Somaliland Md Maxauud Xaashi ayaa kulan lagu soo dhawaynayay heshiiskii maalgashi ee dekeda Magaalada Berbera warbaahinta ugu hanjabay inuu dalka ka xorayn doono.
“ Nabad galayada qarankan iyo sumcadiisa in meel lagaga dhaco xukuumad ahaan inamada sidaa samayna waanu u caqli celinayaa haday ka waantoobi waayaaana waxay tagi doontaa in la toosiyo, qarankan qori ayaa laga soo xoreeyey, maalin ayuu qorigu khatar ku ahaa , oo wado walba wiil qori sitaa taagnaa oo baad dadka xoog kaga qaadayey, nin qori leh ayaa qarankan laga xoreeyey, waaba se nin qalin haysta oo budhcad badeed noqday looma dulqaadan karro, waanu ka xoraynaynaa.”ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.
Hadalkan Maxamuud Xaashi ayaa warbaahinta Madaxa banaan iyo guud ahaanba Saxaafadda Somaliland u yeellay Waji ka duwan waxa ay bulshada Somaliland iyo ta caalamkuba ka haystaan.