|

Turkiga oo Markab Sida Gar Gaar Balaadhan u Soo Diray Somalia DAAWO

Muqdisho 11.Sep 2016 (SDN/QJ):- Turkiga ayaa u soo dirtay Soomaaliya Markab gargaar ballaaran u soo wada Soomaaliya, kaasoo ay saaran yihiin 11 kun oo tan.

markab2Markabkan ayaa shalay ka soo shiraacday Dekedda Magaalada Mersin ee koonfurta dalka Turkiga, waxaana uu ku soo wajahan yahay Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga Ismail Hakki Turun ayaa sheegay in markabka uu wado sokor Bur iyo agab kale.

“Markabku wuxuu kaloo wadaa 178,000 oo ah Xafaayadaha Carruurta, kuwaasoo ay aad ugu baahan yihiin dadka ku nool gudaha Soomaaliya” ayuu yiri Ismail.

Madaxa waaxda difaaca Rayidka ee Hay’adda ka hortagga Masiibooyinka Dowladda Turkiga Ahmet Atik ayaa isna sheegay Markabkan uu yahay kii 12aad ee ay Hay’adda Bisha cas iyo Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga oo iskaashanaya u diraan Soomaaliya.

“Marka uu markabkan gaaro halka uu ku jeedo waxaa ay ka dhigan tahay gargaarka Turkiga uu siiyay Soomaaliya uu gaari doonaa 62,000 oo Tan, waxaa sidoo kale Markabkan gargaarka uu wado la gaarsiin doonaan dalalka Itoobiya iyo Jabuuti” ayuu yiri Axmed.

Markabka oo lagu magacaabo Lila Majuro ayaa la sheegay inuu ku socdo Somaliland, Puntland oo ah labo maamul goboleed oo ka tirsan Soomaaliya, isagoo marka hore qeyb ka mid ah gargaarka uu wado ku dejinaya Jabuuti.

Comments are closed