|

Madaxweyne Siilaanyo oo uu Weheliyo Gudoomiye Muuse Biixi oo u Socdaali Doona Ingiriiska

Hargaysa 10.Sep 2016 (SDN/QJ):-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu maalmaha ka dambeeya Ciidda socdaal ugu ambo baxo dalka Ingiriiska.

Siilaanyo iyo Muuse BiixiSidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala. Madaxweyne Siilaanyo ayaa socdaalkiisa lagu sheegay mid gaar ah sidii socdaalkiisii u dambeeyay ee dalka Turkiga. Madaxweynaha waxa la filayaa inuu safarkiisa ku weheliyo guddoomiyaha iyo murahaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. Weli lama oga mudada uu socdaalka Madaxweynuhu qaadan doono.

Comments are closed