|

Magacyada Guddida Sare Ee Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Somaliland Oo La Shaaciyey

Hargaysa 10.Sep 2016 (SDN/QJ):- Dallada Urrurada Bulshada ee marka magaceeda lasoo gaabiyo la yidhaahdo SONSAF, ayaa magacowday Guddi matalaysa Bulshada Somaliland taasi shaqadeedu noqon doonto xalinta haddii wax khilaafaad ahi ka dhashaan Doorashooyinka lagu wado inay Somaliland ka dhacaan horaanta Sannadka 2017ka.

Guddidaasi waxaa ay ka Koobantahay 27 Qof oo  Guddoomiye looga dhigay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Awcali Faarax.

 

guddida waxay ka koobantahay dhamaan Gobolada Somaliland waxaana  hoos iman doona Guddi hoosaad kale oo wax laga waydiin doono khilaafaadka Doorashooyinka oo iskugu jira Dhakhaatiir, Guddomiyayaal Jaamacadeed, Siyaasiyiin iyo Salaadiin.

 

Guddoomiyaha Dallada Ururada Bulshada ee SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil oo shalay Ka hadlay Munaasibad lagu shaacinayay Guddida ayaa sheegay Muhiimada ay guddidani u leedahay Doorashooyinka iyo xalinta Khilaafaadka.

 

“Guddidan waa guddi ka shaqeyn doonta marka khilaaf yimaado waana gacan madax banaan oo khilaafyada soo gali doonta, wax ka odhanta doonta intii ilaahay ka garansiiyo, waxaanu ka codsanaynaa Daneeyayaasha Arrimaha Siyaasada oo xisbiyadu ugu horeeyaan inay la shaqeeyaan Guddidaas”ayuu yidhi Guddoomiye Dallada SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil.

 

Dhinaca kale,  Waxaa golaha Sare ee Guddidan ku dhawaaqay Engineer Xuseen oo ka mida Dallada Ururada Rayidka ee SONSAF isagoo sheegay in golaha sare ee Guddidaasi ka koobanyahay Todobada Xubnood “Madaxwayne Ku Xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Awcali Faarax Guddoomihaya, Suldaan Axmed Daahir Guddoomiye ku xigeen, Madaxwayne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin Guddoomiye ku xigeen, Abwaan Yuusuf Shaacir Guddoomiye ku xigeen, Ismahaan Cabdisalaan Xasan Guddoomiye ku xigeen, Dr Aadan Abokor Guddoomiye ku xigeen iyo Proffesor Xuseen Buuni oo ah Xoghayaha Guddida”ayuu yidhi Eng Xuseen oo akhriyay Liiska Xubnaha sare ee Guddidaas.

 

Munaasibada Guddidan laguna shaaciyay oo ka dhacay Huteel Maansoor waxaa kasoo qaybgalay laamaha garsoorka Somaliland, Xisbiyada qaranka iyo Ururro ka socda Bulshada Rayidka ah.

Comments are closed