Boqortooyada Sucuudiga oo Beeniyay in Safiirkoodii ay kala Baxeen Dalka Ciraaq
Riyadh 09.Sep 2016 (SDN/QJ):- Boqortooyada Sucuudigu waxay beenisay warar uu daabacay wargayska Independent ee dalka Britain oo sheegayey in sucuudigu kala baxeen safiirkoodii u fadhiyey dalka Ciraaq.
Sarkaal ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee Boqortooyada Sucuudiga oo u waramay maanta Wakaalada wararka ee Sucuudiga ee WAAS ayaa ganafka ku dhuftay wararka uu wargayskaasi daabacay ee tilmamaya in sucuudiga la soo baxeen safiirkoodii Magaalada Baqdaad Saamir Al-subhaan, ka dib markii uu diiday inuu dhaleeceeyo shaqsi ka tirsan kooxda daacish oo ay isku qoys yihiin safiirka.
Sida la ogyahay wargayska Independent ayaa hore u daabacay in cabdisalaam sabhaan oo ay inma-adeer yihiin safiirku uu ku dhintay isagoo ka dhinac dagaalamaya kooxda daacish.