Gabadhii u Horaysay ee Somaliland ka Samaysay Wershado Soo Saarta Agabka Kalluunka,Ka Ganacsiga Beeyada Iyo Waxqabadkii ay Bulshadeeda u fidisay
Hargaysa 09.Sep 2016 (SDN/QJ):- Aqoonyahanad Aamina Faarax Caarshe Waa Mid ka Mid ah Haweenka Somaliland ee Aqoonta Fiican u leh Ganacsiga adduunka, Iyadoo door Mug leh kaga Jirtaa Isbedelka iyo Horumarka ay Haweenka Somaliland Maalinba Maalinta Xigta ku Talaabsanayo.
Marwo Aamina Faarax Caarshe Waxay Markii Kowaad si Xeel dheer uga Warbixisay Sooyaalkeedii Nololeed iyo Kii Taariikheed iyo Waxqabadkii ay Bulshadeeda u fidisay Iyo Weliba Qaabka ay uga faa’iidaysay aqoontii ay Mudada dheer soo baranaysay ,Waxayna Qodobadan iyo Kuwo Kale oo ku dhereran Taariikhdeeda Nololeed ku faahfaahisay Waraysi Dhinacyo badan leh oo ay Siisay Barnaamijka Ku Dayo Muwaadinka dantaadda Guud Wax weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii tegay Kaas oo uu soo agaasimay Aqoonyahan Rashiid Sulub Caalim.
Ugu Horayn Aamina Faarax Waxaa la Weydiiyey Goortii ay dhalatay iyo Halkii ay ku dhalatay Waxayna tidhi ‘’Waxaan Dhashay 1954kii Waxaanan ku dhashay Magaalada Caynaba ee Xarunta Gobolka Saraar’’
Marwo Aamina Faarax Caarshe oo la weydiiyey Halkii ay ku soo Kacaantay Yaraanteedii Waxayna Tidhi ‘’ Ilaa Shan Sanno oo Caruurnimadaydii ah Waxaan ku qaatay Xaafad ka Danbaysa Laynka Booliska ee Magaalada hargaysa,Mar labaadkiina Hooyo ayaa Cadan I gaysay Waxaan hadana ku soo noqday dalka kadib dib Ayaan u soo noqday”
Sidoo Kale Aamina Waxay ka Hadashay Deegaanadii ay Wax ku soo baratay Iyo Heerkeeda Aqooneed inta uu Gaadhsiisan yahay Waxayna Tidhi “dhinaca Tacliinta Qur’aanka iyo Dugsiga hooseba Caynaba Ayaan ka galay,Anigoo ahaa Gabadhii u horaysay ee Dugsiga Caynaba laga qoro,waxaana igu Xigtay Gabadh kale oo Luul Dirir la yidhaa,Waxaanu Markii danbe nimi dugsigii Boodhinka Hablaha ee Magaalada Burco oo aanu ku qaadanay Waxbarashadii dhexe,Sidoo Kale Hargaysa Ayaan ka galay Secondary-gii (Dugsigii Sare) ee Gabdhaha kaas oo aan ku qaatay Fasaladii 1aad iyo 2aad Halka Fasaladii 3aad iyo 4aad ee Dugsiga Sare aan kaga baxay Dugsiga Sare ee Sheekh Bashiir ee Magaalada Burco,Markaas Kadib Waxaan Galay Iskuulkii Xalane Kadibna Jaamacadii Lafoole iyadoo Macalinimo naloo diyaar garaynayay Jaamacadii aan ka baxay Ayaan afar sanno wax ka dhigayay Waxaan Markaas helay aniga iyo Laba Hablood oo Kale Fursad Waxbarasho oo Maraykanku ku deeqay Waxaan Soo bartay Maamulka Caafimaadka,Anigoo Dhamaadkii ku dhow ayaa Waxaa dhacday in Hooyaday ay Xannuunsatay,Waan Sii Joogi kari waayay Waxaan ku soo noqday dalka Gaar ahaan Magaalada Caynaba, Ilaahay amarkii Odaygayga oo ka Shaqaynayay Safaarada Somalia ayaa Loo Bedelay Waddanka Maraykanka,Fursad Fiican ayay ii noqotay Sidaas ayaan ugu Noqday Maraykanka oo Waxbarashadiisa aan Jeclaa,Waxaan Shahaadada Mastered ku Qaatay Xidhiidhka Caalamiga ah ee Ganacsiga’’
Aamina Faarax Waxaa Kale oo ay ka Hadashay Waayo aragnimadeedii Iyo Shaqooyinkii ay soo qabatay ‘’Waxaan aad u jeclaa Wax tarka dadka Xitaa Markii aanu Lafoole Joognay Waxaan bilaabay in Wixii aan Bartay uga faa’iideeyo dadkii deegaankaas deganaa,Sidoo Kale Waxaan Jaamacadaha Maraykanka Gayn jiray Carwooyin badan oo ka hadlaya dhaqanka dadkeena iyadoo uu I weheliyo Odaygaygu,Shaqooyinkana waxaa ka mid ahaa inaan Company Biyaha sifeeya ka furay dalka Maraykanka Taas ayaana ugu Horaysay Ganacsi aan Maraykanka ka Bilaabo’’
Aamina oo hadalkeeda sii wadata ayaa ka hadashay Xiligii ay Dalkeeda Somaliland dib ugu soo Noqoto ‘’1994-kii Ayaan diyaarad ka soo raacay Maraykan Waxaan Mudo u Kuurgalayay Halka aan Wax ka qaban karo Teeda Kale Qolo Maraykanka Joogtay ayaa igu Yidhi TB-da iyo Cudurka Kaneecada waan kaa Caawin karnaa Waxayna iga dalbadeen inaan Xog u Keeno Markii aan noqonayay ayaa Dagaalkii Sokeeye dhacay Caawimadaasi halkaas ayay ku Saqiirtay Balse Tii Haweenka wax qabsaday Ayaan qorshaheedi galay oo Nairobi Ayaan tegay Waxaan helay Laba haween ah oo Ganacsiga ku hawlan Kuwaas Ayaan u dhoofiyay Maraykanka iyagoo ka Kala Socday Somaliland iyo Somalia, Hasa yeeshee 2001-dii Waxaan dib ugu Soo Laabtay Hargaysa Waxaan Markaas kadib sameeyay Wershad Soo Saarta Waxyaabaha Macmacaan, dad badan ayaan u furay Tababar ay kaga faa;iidaysanayaan Wax soo saarka Wershadan taas oo dad badani kaga faa’iidaysteen’’.
Aamina Faarax Caarshe Waxyaabaha Lagu soo Xushay Waxaa ugu Weyn inay Tahay haweenayda Keliya ee Samaysay Laashash Kalluumaysi iyo Dhamaan agab looga baahan yahay hawsha Kalluumaysiga,Sidoo Kale Waxay ka Ganacsataa Beeyada Iyo Milixda Waxayna Tidhi ‘’Dekeda Berbera iyadoo alaabo iiga soo degayaan ayaan Waxaan arkay Milix laga keenayo Yemen,aad ayaan uga Jidhiidhicooday ugana Xumaaday Waxaan u tegay Maamulkii oo aan ku idhi inagoo Saylac iyo Deegaamada Xeebaheena ka helayna Milix maxaa Sababay in Yemen la inooga keeno waxay igu yidhaahdeen Teenu (Milixdeenu) ma cada,taas ayaan u hawl galay inaan ficil ahaan uga dhabeeyo ilaa laba Sanno ayay Socotay, Dhanka Beeyada Waxaa la odhan Jiray rag ayaa iska Leh Waana Dhir Ilaahay abuuray oo Sida Qudhacda u baxda Xitaa waxaa la yidhaa Dumarku dhaxal kama heli karaan,Si ay taasi u Suurto gasho ayaan ku fikiray inay Haweenku Ganacsiga galaan Si ay Dhaxalkooda u helaan, Waxaan Magaalada Burco ka sameeyay Urur ay Rag iyo Haween ku midoobeen, Waxaa kale oo aan Ogaaday in Geedkaasi aanu adduunka Meel kale oo Somaliland iyo Punt land ahayn ka bixin Isla markaana uu Qaali yahay Lagana sameeyo Cadarada iyo wax alaale iyo Wixii Udug ah, Markaan eego dhinaca Kalluunka Waxaan Noqday Gabadhii u horaysay ee Somaliland ee Ganacsiga Kalluunka Gasha Isla markaana Fursad Shaqo uga Abuurtay dad badan oo Camal ka dhigtay Waxaa kale oo aan Ikhtiraacay Goob lagu Sameeyo Laashashka laguna dayac tiro halkii Markii hore dalalka inala Jaarka ah loogu soo samayn jiray dhaqaale badanina qofka kaga bixi jiray,Sidoo Kale Waxaan Sameeyay Taangiyada Biyaha Lagu Shubto oo Muga qaadkoodu kala duwan yahay’’
Aamina Faarax Caarshe Waxaa kale oo ay Sheegtay inay Kaalin Muuqata ku dhex leedahay Ururada Bulshada Rayidka ah Sida Daladda Jilayaasha Ururada aan Dawliga ahayn ee Sonsaf iyo aasaasida Urur ay Gudoomiye ka tahay iyadoo Xustay inay Tababaro u fidiyaan Haweenka Somaliland oo ay ku Tababaraan Xirfado Noloshooda Wax ka tara Sida Cunto Karinta, Dawaarka,Cilaan-Saarka iyo Wixii la Hal Maala.