|

Shacabka Oo Su’aalo Iska Waydiinaya Ciidamo Ka Tirsan Milatariga Jsl Oo La Soo Galiyay Suuqyada Ganacsiga Hargeysa Iyo Muran Ka Taagan Cidda Amarka Bixisay

Hargaysa 09.Sep 2016 (SDN/QJ):- Qaar tirsan Ciidamada Milatariga Somaliland oo ku labisan tuutaha u gaar ah ee u astaanta u ah oo hubaysan ayaa Doraad aroornimadii lagu dhex daadiyay qaar ka mid ah Suuqyadda Waa weyn ee Ganacsiga Magaaladda Hargeysa,kuwaasi oo cago juglayn iyo Hanjabaad culus dul dhigay Meheradahaasi iyagoo sidoo kalena fatashaad iyo baadhis ku sameeyay Qaar ka mid ah Meherada jumladlayaasha ah ee lagu ganacsado.

 

dsc04161Sida Wargeyska Foore u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ganacsatada Meheradaha ku leh Suuqyada Waa weyn ee Magaaladda Hargeysa ee Jumladlayaasha ah gaar ahaan Suuqyadda alaabaha Bagaashka lagu iibiyo,Waxa ay ciidankani ka baadheen Meherado badan Bacda loo yaqaan Bac-Miikadda ,taasi oo soo dejinteeda hore dalka looga mamnuucay,waxa ay sidoo kale u sheegayeen dadka meheradaha jooga in cidii lagu arko Bac-Miikada ay ganaax lacageed oo culus ay mutaysan doonaan.Ganacsato nala soo xidhiidhay ayaa noo sheegay in Ciidankani ay ku labisnaayeen Tuutaha Madaw ee astaanta u ah Ciidanka Milatariga Somaliland,waxa kale oo ay siteen Qoryaha Fudud ee Ciidanka.

Warar Xog ogaal ah oo wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in arintani ku saabsan Ciidankan Milatariga ah ee la soo galiyay gudaha magalaada Hargeysa oo ah Caasimaddii dalka uu muran xoogleh ka dhex abuuray Xukuumadda,gaar ahaan laamaha amniga dawlada. Waxa Ciidanka dalbaday Maayarka ama Duqa Magaaladda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(Soltelco) oo dagaal kuhaya Ganacsatada Bac-Miikada Dalka dibada ka soo galisa balse waxa la garan laayahay cida Ciidanka ka ogolaatay in Gudaha Magaaladda la soo galiyo,iyadoo sida la sheegay ay Xukuumaddu aad uga Xumaatay ciidankaasi milatariga ah qaabka loo isticmaalay iyo sida loo soo baalmaray Ciidankii shaqadaasi lahaa ee booliiska oo ku filaa Shaqadan iyo mid ka badan toona. Waxa ay Madaxtooyaddu baadhaysaa hanaanka Ciidankaasi loo soo maamulay ee loo soo galiyay Gudaha Magaaladda iyo Falka loo adeegsaday oo ah arin Ceeb ku ah guud ahaan Geedi socodkii hogaaminta Dalka.

Waa markii u horaysay ee Ciidan milatari loo isticmaalo Cabudhin iyo cagojuglayn ku aadan Ganacsatada Dalka Somaliland iyadoo ay jirto Jiddad kale oo lagu meel marin karo joojinta Bac-Miikadda oo ay Xukuumaddu dalka ka mamnuucday islamarkaana si dhuumasho ay Ganacsatadu dalka dibada uga soo galiso. ma jiro dhibaatooyin ay sameeyeen ciidamadani oo aan ahayn baadhistaasi.

Comments are closed