Amarkii Dawlada Federaalka ee Qaad Joojinta oo Ka Hirgalay Magaalada Muqdisho,Jahawareerkii Muqayiliinta Iyo Dareenada Xiisaha leh ee Laga Dhex arkayo DAAWO
Muqdisho 07.Sep 2016 (SDN/QJ):- Dawlada Federaalka Somalia ayaa Go’aan ay soo Saartay Waxay si Ku Meel gaadh ah u Joojisay Dhamaanba Duulimaadyadii Qaadka ka Keeni Jiray Dalka Kenya.
Inkasta oo amarka Dawlada Federaalku uu saamaynayay Maamul Goboleedyada ka Jira Dalka Somalia hadana Deegaanada Punt land ayaa Shalay Waxaa Si Caadi ah u Yimid Qaadka Miirooga oo ay Sidaan Diyaaradaha Kenya,Magaalada Muqdisho ayaa la odhan karaa amarkaasi wuu ka dhaqan galay.