|

Kooxda Al-Shabaab oo Ka Hadashay Weerar Cirka iyo Dhulka ah oo Lagu Qaaday

Toora-tooroow 07.Sep 2016 (SDN/QJ):- Kooxda Al-Shabaab, ayaa sheegtay inay Ciidammo Maraykan ahi ku weerareen Fadhiisimmo ay ku leeyihiin deegaanka Toora-toorow oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose ee dalka Soomaaliya.

DIYAARADAHA-MARAYKANKA-OO-DILAY-SARAAKIIL-KA-TIRSAN-AL-SHABAAB-IYO-DAACISHWaxay Al-Shabaab, sheegtay inay dagaalyahannadeedu iska difaaceen weerarka ay Ciidammada Maraykanku ku soo qaadeen saqdii-dhexe ee habeen-hore, kuwaasoo ay sheegtay inay taageerayeen Diyaaradaha dagaalka oo deegaankaas Gantaallo ku garaacay.
Idaacadda Andalus oo ka mid ah Warbaahinta Afka Al-shabaab ku hadasha, ayaa baahisay in Ciidammo Mareykan ah oo gaadhayay tobaneeyo Askari oo kuwa sida gaarka ah u tabobbarani ay ku weerareen deegaanka Toora-toorow, balse ay iska difaaceen dagaalyahanka Kooxdu, halkaasna uu ka dhacay dagaal in muddo ah socday.

Sidoo kale, Idaacadda Al-Shabaab ayaa intaas ku dartay in dagaal-yahanno ay goobtaas ku sii diyaariyeen dagaal adag la galeen Ciidanka Maraykan ee halkaas ku soo weeraray. “Ciidammada Weerarka soo qaaday waxaa Taageerayay Diyaarado dagaal, waxaanay Gantaallo dhawr ah kusoo rideen deegaanka Toora-toorow, mid ka mid ah Gantaallada ayaa ku dhacay Dhabarka dambe ee Saldhig aan deegaankaas ku leenahay.” ayaa lagu yidhi warka ay baahisay Al-shabaab.

Geesta kale, Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidammo Soomaali ahi ay weerarkaas ka qayb-qaateen, inkastoo aanay jirin Warar kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo xaqiijinaya in ay Ciidammadeedu ka qaybqaateen weerarkaas Al-Shabaab lagu qaaday habeen-hore ee ka dhacay Toora-toorow.
Sidoo kale, weli ma jiro War weerarkan ku saabsan oo ka soo baxay dhinaca dowladda Maraykanka, marka laga yimaaddo sheegashada Al-Shabaab.

Hawl-galo Ciidan oo kala duwan iyo weerarro kan la mid ah, ayay dhawr jeer Ciidammada gaarka u tabobbaran ee Maraykanka iyo Soomaaliya oo ay taageerayaan Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Soomaaliya oo ay Saldhigyo ama fadhiisimmo ku lahayd Al-Shabaab, kuwaasoo qaarkood lagu bartilmaameedsaday Saraakiil sare oo Al-Shabaab ka tirsanaa oo uu ka mid ahaa Hoggaamiyihii Kooxdaas Axmed Cabdi Godane iyo kuwo kale.

Comments are closed