Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland oo ka hadashay Sababta ay Boqor Raabi ugu diideen inuu soo Guto Waajibaadka Xajka DAAWO
Hargaysa 07.Sep 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay sababta ay Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo ka mid ah madaxda dhaqanka Somaliland uga joojisay in uu soo guto waajibaadka Xajka oo dhawaan loo diiday in uu u dhoofo Xaramka.
Maamulaha Madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Boqorku uu ka mid ahaa tiro dad ah oo dowladda Sucuudigu ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya si ay usoo gutaan waajibaadka xajka – isla markaana ay boqorka ka hor istaageen Xajka.
Sidoo kale, Maamulaha ayaa waxa uu sheegay in boqorku uu damcay in uu madaarka dhexdiisa kula kulmo rag masuuliyiin ah oo ka tirsanaa dowladda Soomaaliya kuwaasi oo ku sugnaa gudaha madaarka Hargeysa