|

Somaliland oo Madaaradeeda u Furtay Diyaaradihii Qaadka Ka Keeni Jiray Kenya Kadib Markii ay Somaliya Joojisay

Hargaysa 06.Sep 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay inaanay waxba ka khusaynin amar ay dawladda Soomaaliya ay dalkeeda ka mamnuucday qaadka miirooga ee dalka Kenya lagaga keeno diyaaradaha.

Madaarka-Caasimadda-Hargeysa-ee-Cigaal-oo-la-qiimeeyey-300x199Dawladda Somaliland waxay sheegtay in diyaaradaha qaadka ka Keena Kenya ay soo fadhiisan karaan madaarrada Somaliland, sidaasna waxa lagu caddeeyay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka wasaaradda Duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Ismaaciil Cali Axmed.

“Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadii Cirka J/S/L , iyada oo ka duulaysa shuruucda Wadanka iyo Madaxbanaanida Somaliland, waxa ay cadDaynayasaa in aanay waxba ka khusayn Amar ka soo baxay Dawlada Soomaaliya oo ay ku joojisay Diyaaradaha Qaadka Miirooga ka keena Caasimada Dalka Kenya ee Nairobi.

 

Wasaaradu waxa ay ku war galinayasaa Dhammaan Shirikadaha Gaadiidka Cirka in aan waxba iska bedalin Isticimaalkoodii hore ee ay ku wada shaqayan jireen,”ayuu ku yidhi war-saxaafadeed Afhayeenka wasaaradda duulista hawadda Somaliland Cali Axmed.

Comments are closed