|

‘’Mudada Heshiiska DPW ee Marsada Berbera Ma aha 30 Sanno ee Waa 40 Sanni 2020ka kama horayn karto inay hawlgasho dekedda cusub ee DP World Berbera’’ Cali Guray & Qoraalada la Kala Saxeexaday Akhri

Hargaysa 06.Sep 2016 (SDN/QJ):- ‘’Sida aan u fahmay mudada Heshiiskan Maalgashiga Dekedda Berbera ee DP World iyo Dawladda Somaliland mudadiisu maaha sodon sanadood ee waa afartan sanadood,Sidaa Waxaa Qoraalka Ku Bilaabay Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Guray’’.

Cali Guray ayaa Qoraal uu Niskii Danbe ee Xalay ku Baahiyey Barta  uu ku Leeyahay Shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Facebook Ku Cadeeyay Madmadow ka Muuqda Heshiiska ay Xukuumadda Somaliland Iyo Shirkada DPW Kala Saxeexdeen Maalintii Shalay Waxaanu intaas ku daray in dhankiisa aanay waxba iska bedelin Taageeradii uu Mashruucan u hayay.

Cali Maxamed Yuusuf Wuxuu Qoraalkiisa ku Yidhi ‘’Shirkad Joint Venture ah ayaa la samayn doonaa oo iyadu maaraynta maalgashiga iyo horumarinta Dekedda Berbera la wareegi doonta waxana loo kala yeelanayaan sidii hore loo sheegay 65% DP World 35% Somaliland. Heshiiska Maalgashiga waxa loo fulin doonaa wejiyo wejiga ugu horeeya waxa la bilaabi doona sanad ka dib marka laga soo baxo ama la buuxiyo qodobada iyo shuruudaha Heshiiska waxanu ku dhamaandoonaa 24 bilood.

Waxan is leeyahay hadii wax waliba caadi noqdaan mudada wajiga hore waxa lagu dhamaystiri karaa sedex ilaa afar sanadood laga bilaabo maanta (Shalay) oo si rasmi ah loo kala saxeexday.

Adigu horaanta 2020ka kama horayn karto inay hawlgasho dekedda cusub ee DP World Berbera. Waa hadii aan haba yaraato eh wax carqalad ihi ka hor iman sida aan qiyaasayo.

Dhinaca kale way muuqataa hamadda DP World ay u hayso hirgelinta mashruucan iyo sida ay u danaynayso taasina maaha sabab la’aan ee waxa u muuqda sayladda cusub ee muhiimka ah ee dhinaca Bariga Africa iyo buqcadda Istraatajiga ah ee ay dhacdo Berbera.

Laakiin dhinaca Somaliland duruufaha ku xeeran mashruucani maaha kuwo si dhib yar looga gudbi karo dadkeediina ma muuqdo ee waxad moodaa waxa u muuqda DP World in aanay u muuqanin madaxda sare ee Somaliland waayo way ka aragti dhaw yihiin DP World danaysiyada gaarka ahina way iska jiri karaan oo lagaba yaabi karo mararka qaarkood inay kaba muhiimsanaan karaan danta guud.

Taas oo abuuri karta khilaaf xoogan oo kuligiiba ku salaysan danaha is diidan ee dhinaca Somaliland. Gaar ahaan marxaladdan xasaasiga ah ee ay kaabiga ina soo saareen labada doorasho ee is huwani inaga oo og inay jiraan arimo badan oo la isku maandhaafsan yahay.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh hadii mashruucani uu ka badbaado dabaylaha iyo duufaanada kacsan xiligan oo aanay saamayn ku yeelanin habsami u socodka hawlaha mashruucan mudada aan ilaa hadda la hubin inta ay noqon doonto ee u hadhsan xukuumaddan waxa laga yaabaa in mashruucani uu markaa ka badbaadi karo inu ku fashilo bilawgiisaba. Hadii uu ka badbaado oo doorashadu qabsoonto dabcan Madaxwaynaha la doorto iyo xukuumadiisa ayay u taalaa inay la wareegaan dibna u eegaan wixii madmadow ahna kala xidhiidhaan madaxda DP World mana ka shaki qabo in la is fahmi doono waayo maaha waxa la diidan yahay ama laga shakisan yahay Maalgashiga lagu hormarinayo Dekedda Berbera ee waxad moodaa in kala shakigu yahay inaga gudaheena.

Sidaa daraadeed mashruucan oo aan anigu hore u taageeray qaladaadka aan arkayo ee jiraa ilaa hadda waxba kamay bedelin taageeradii aan u hayay mushruucan waayo waxan u arkaa inu dan u yahay dadkayga iyo dalkayga. Hadii ay wax ka qaldan yihiina maaha Qura’aan iyada oo laga wada duulayo danaha la wada leeyahay mashruucan in la sixi karo ayaan aaminsanahay lakiin maaha mudada u hadhsan xukuumaddan ee waa in loo samraa oo la sugaa wakhtiga ugu haboon ee kale ee wax la sixi karo.

Aligurey

Dhanka Kale Halkan Ka Daalaco Qoraalkii Saxaafadda Loogu Talo Galay ee Kadib Saxeexii u Danbeeyay ee Heshiiskan.

dpw1dpw2

 

 

Comments are closed