Guddiga Qandaraasyada Somaliland oo Sir Fashilisay Amarrana ku soo rogtay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda DAAWO
Hargaysa 06.Sep 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland Shariif Abbokor Dhuuxyare, ayaa shaaca ka qaaday in Xafiiskiisu joojiyey Warqad oggolaansho ah oo uu siin jiray Hay’adaha iyo Wasaaradaha kala duwan ee dowladda, kaasoo u fasaxayey inay Hay’adda ama Wasaaraddu qaban karto tartan Qandaraas ama bixin Qandaraas. Hase-yeeshee, aanay hadda laga bilaabo jiri doonin Hay’ad kale oo awood loo siin doono qabashada tartan Qandaraas ama bixintiisa-ba.
Guddoomiye Dhuuxyare oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu akhriyey Wareegto uu sheegay in lagu wargelinayo Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee dowliga ah, waxaanu sheegay inaanay jiri doonin Hay’ad ama Wasaarad awood u yeelan karta inay Qandaraas cidday la jeclaato ama la jeceshay iska siisa, iyada oo aan la soo marin Guddiga Qandaraasyada Qaranka.
Waxaanu Sheegay inay Guddigu Qandaraasyada u qaban doonto si cadaalad ah oo ka duwan sidii ay Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee dowladdu u qaban jireen, isla markaana ay meesha ka bixi doonto in Masuul kastaa qofka uu doono ama isagu jeclaysto siiyo qandaraas, taasoo muujinaysa Sir fadeexad ah oo iftiiminaysa qaab musuqmaasuq, wax-is-dabamarin, qaraabo-kiil iyo nin-jeclaysi ah in lagu bixin jiray Qandaraasyada kala duwan ee ay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Guddi ahaan awoodda u siin jireen bixintooda.
Haddaba, Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada dowladda Somaliland Shariif Abbokor Dhuuxyare oo Shirkaas Jaraa’id ka akhriyey Warqad Qoraal ah oo uu ku socodsiiyey Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda, waxaannu isagoo Akhriyaya Amarradaas idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-